Thursday, February 12, 2015

Xukuumada Somaliland Oo Si Heer Sare Ah U Soo Dhaweysay Wefti Madaxdhaqameed Ah Oo Ka Soo Jeeda Gobolka Buuhoodle

Hargeysa (Himillo)-Madaxdhaqameedka gobolka Buuhoodle oo isugu jira jiif-caaqil, Cuqaal, Odoyaal, Waxgarad iyo Culimo-aw-diin ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ay wehelinayaan wasiirka Hawlaha guud iyo Gaadiidka, Cabdirisaaq Khaliif, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Cismaan Garaad Soofe iyo Masuuliyiin kala duwan oo kale ayaa weftiga madaxdhaqameedka gobolka Buuhoodle ku soo dhaweeyey.
Waxaana loogu nasiyey weftigaasi ballaadhan hotel Kaah ee HARGEYSA waxaana halkaasi ka hadlay ugu horaynba Badhasaabka Buuhoodle, Wasiirka Caafimkaadka iyo Wasiirka Madaxtooyada.
HALKAN KA DHEGAYSO

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2015/02/Codadka-Wasiirka-Caafimaadka-Wasiir-Xirsi-iyo-Badhasaabka-Buuhoodle.mp3"][/audio]
HALKAN KA DAAWO

[gallery columns="4" ids="15509,15508,15507,15506,15505,15504,15503,15502,15501,15500,15499,15498,15497,15496,15495,15494,15493,15492,15491,15490"]

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment