Berbera, 24 March, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Md Axmed Cabdi Kaahin, ayaa Golaha Deegaanka magaalada Berbera ku ammaanay sida ay isaga xil-saareen inay jiheeyaan dhalinyarada degmadaas, isla markaana ay u sameeyaan garoomo kubadda cagta ah oo uu sheegay inay kaga maarmayaan aafooyinka Tahriibka iyo Balwadaha.

Wasiir Cabdi Kaahin oo socdaal shaqo ku tagay gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalo-madaxda Berbera shalay, waxa uu kormeer ku sameeyey tiraba afar garoon oo Kuwa kubadda cagta ah oo dowladda Hoose ee magaaladaas dhismahooda gacanta ku waddo, waxaanu sheegay inuu ammaanayo maamulka dowladda Hoose ee Berbera inay iska xil-saaraan masuuliyadda ka saaraan dhalinyarada degmada.
Md Axmed Cabdi Kaahin waxa oo gaadhay magaalada Berbera oo uu isla xalay ka soo laabtay, ayaa mar uu Khadka telefonka kula hadlayey wariye ka tirsan Himilo, waxa uu sharraxaad ka bixiyey ujeeddada socdaalkiisa gobolka Saaxil.
“Waxaan u tagay oo aan u soo furay tartan ciyaaraha kubadda cagta ah oo kooxo loo qabanayo, si farxad ahna way noogu suurta-gashay.
Waxa kale oon soo kormeeray Afar garoon oo dowladda Hoose ka samaynayso magaalada, runtiina waan ku ammaanay dowladda Hoose inay dhalinyaradooda jiheeyaan oo garoomo u sameeyaan,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Axmed Cabdi Kaahin.
Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland, ayaa isla xalay dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment