Wednesday, March 4, 2015

Islaamiyiinta Reer Libya Oo La Wareegtay Ceelashii Saliidda ee Dalkaas

Al-bahi:March,04,2015(Himilo)-Xoogagga Islaamiyiinta ka dagaalanta Dalka Libya, ayaa la sheegayaa inay la wareegeen Ceelal saliideed oo dalkaas ku yaallay, kuwaaas in muddo ahba ay dagaal ku hayeen.

binIlaalada goobaha saliida ee Al Bahi iyo Al Mabruk ayaa dib u gurtay ka dib markii ay rasaastu ka dhamaatay, waxana ay taasi keentay in islaamiyiintu ay gacanta ku dhigaan Goobihii saliida laga rari jirey.

Xukuumadda uu caalamku aqoonsan yahay ee Libiya ee fadhigeedu yahay Tobruuk ayaa dagaal xoog leh kula jirta kooxo kale oo gacanta ku haya magaaladda caasumadda ah ee Tiribuli.

Kooxahan xag jirka ah ayaa la wareegay Ceelasha saliida ee Al Bahi iyo Al Mabruk, waxayna hadda ku sii jeedaan oo ay doonayaan in ay qabsadaan Al Dhara ka dib markii ciidankii ilaalinayay ay dib u gurteen sida uu sheegay Kolonel Ali Al Hassi oo ah afhayeenka ciidamada Ilaaladda.

Qaramadda Midoobay ayaa isku dayeysa inay dib u bilowdo wadaxaajoodka lagu soo afjarayo dagaalka ka holcaya dalka Libya wixii ka danbeeyay markii xukunka laga tuuray Kolonel Mucamar Al Qadafi sanadkii 2011dii.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment