
Wasiir Abiib oo la Hadlay warbaahinta ayaa iscasilaadiisa sabab uga dhigay inay Bateen Amarradii kasoo baxayey Aqalka Dalka Looga Taliyo ee Madaxtooyada, waxana uu tilmaamay inuu arrintaas darteed xilka uga tegay,
“Sababuhu way badan yihiin, Sida aan maqlayna Maahmaah Carbeed baa tidhaahda haddii Kuugtu badato Maraqaa xumaanaya, markaas meesha Kuugtii baa ku batay, waana ta keentay in Nin waliba halkiisa dhabana ku haysto sida wax loo wado iyo waxyaabaha jira iyo sida wax u socdaan” ayuu yidhi Abiib Diiriye Nuur.
Abiib Diiriye Nuur oo Hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaanay taladu madaxweynaha Gacanta ugu jirin, waxana uu yidhi, “Taladii baa badatay, oo waxaad moodaa in taladii aad iyo aad u faro badatay oo aanay Madaxweynaha ama qof kaliya ku koobnayn ee taladii batay”
Mudane Abiib Waxa uu sheegay inuu ka sii mid ahaanayo Xisbiga Kulmiye balse uu iska casilay Xukumadda, waxaanu intaasi raaciyay “Kolay anniga iyo Cabdicasiis Samaale waxaanu nahay laba qof oo kala duwan laakiin, way jirtay inaanu hore wax u wada aaminsanayn, imikana sidii bay tahay…..Xisbiga waan joogayaa waanan ku jirayaa”
Iscasilaadda Wasiirka Warshadaha, ayaa daba socotay iscasilaad muddo 48-saac ka hor uu wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland ugudbiyey Madaxweyne Siilaanyo.
Waxa sidoo kale xusid mudan inay jirto Saaxiibtinimo dhaw oo Wasiir Samaale iyo wasiir Abiib dhextaallay, waxana la filayaa inay iscasilaadani la xidhiidho xidhoodhkoodaas wanaagsan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment