Wednesday, March 4, 2015

Xildhibaan Dheeg oo Bogaadiyey Ergada Somaliland matalaysa Shirka Wada-hadallada Turkiga

Hargeysa, 04 March, 2015 (Himilo)- Xildhibaan Maxamed Maxamuud (Dheeg) oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Guurtida, ayaa ergada Somaliland u metalaysay shirka wada-hadallada fashilmay ee todobaadkan magaalada Istanbul uga furmi lahaa Somaliland iyo Somalia, kaas oo qabsoomi waayey kaddib markii Somaliya ergadooda ku soo dartay Xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaannada Somaliland balse ay ka biyo-diideen ergayada Qaranka u metelaysay wada-xaajoodkaas oo shuruud ka dhigay in ergayada la saaro xubnahaas.
dheegXildhibaan Dheeg oo shalay war-fidiyeennada kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyey inay sababta u tahay burburka wada-hadallada, taasina ay markhaati ka tahay xubnaha Somaliland u dhalatay ee uu ku soo daray ergada wada-hadallada u metalaysa.
"Waxaan u mahad naqayaa Gudidii matalaysay Somaliland ee tagay Turkiga ee ka xaragooday dad aan u qalmayn inay hort fadhiistaan, sidii aanu idiin xulanay ee aanu diinku dirnay ayaa sidaa ahayd," ayuu yidhi Xildhibaan-dheeg, waxaanu dawladda Soomaaliya ku eedeeyey inay ugu talo-gashay burburka wada-hadallada maadaama ay ku soo dartay ergadooda xubno shuruudahoodu ka horimanayaan heshiisyadii labada dhinac hore u wada-gaadheen.
Waxa uu xildhibaanku sidoo kale, eedayn u jeediyey ergadii Soomaaliya u metalaysay wada-hadallada ee dhalasho ahaan ka soo jeedday Somaliland, kuwaas oo uu ku tilmaamay shakhsiyaad loo soo diray burburinta shirka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment