Nairobi:April,12,2015(Himilo)-Ilaa iyo Haatan inta La Xaqiijiyey 137-Arday, ayaa dhaawacyo kala duwani soo gaadheen, kadib markii ay koronto ka qaraxday Gudaha Jaamacaddooda oo ku taalla Nairobi u qaateen Weerar Al-shabaab kusoo qaadday.Ardaydan, ayaa la sheegayaa in intooda Badani iska soo tuureen Dabaqyada sare ee Jaamacadda, si ay uga Baxsadaan Jugtaas oo ay ula ekayd Weerarkii dhawaan Kooxda Al-shabaab ku qaadeen Jaamacadda Garisa.
Qaar kamid ah Ardayda, ayaa la sheegayaa inay iska soo tuureen Dabaqyada Lixaad ee Dhismaha Jaamacadda, waxana ay qabaan Dhaawacyo culculus oo loogu qaaday Cisbitaallo kala duwan ee Magaalada Nairobi ku yaalla.
Inta badan dhaawacyada ayaa la kala dhigay Isbitaalada Kenyatta iyo Kikuyu ee Magaalada Nairobi, si wax looga qabto xaaladooda caafimaadeed.
Ardayda qaarkood ayaa waxaa la soo sheegayaa in si weyn ay ugu jajabeen ka soo boodida dhismaha dheer ee Jaamacadda. Waxayna tani walaac xoogan ku keentay waalidiinta dhalay.
Ururka Al Shabaab, ayaan intii aanay weerarin Jaamacadda Magaalada Garissa, waxaa cabsi laga muujinaayay inay weeraraan Jaamacadda Magaalada Nairobi, waxana ay Ardaydu ahayd qaar dareen taxadar badani ka muuqdo qabay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment