Islamabad:April,10,2015(Himilo)-Aqalka Baarlamaanka waddanka Pakistan, ayaa cod ay qaadeen ku diiday in Dawladoodu kamid noqoto Quwadaha Duulaanka ku qaaday Dalka Yemen, kuwaas oo ku Hawllan Hujuum ka dhan ah Xoogagga Xuutiyiinta.Barlamaamka ayaa waxa uu ugu baaqay dawlada Pakistaan in ay dhex dhexaad ka noqoto xiisada ka Tagan dalka Yemen.
Waxana uu Sidoo kale ku baaqay in wadaxaajood iyo wada hadalo siyaasadeed lagu dhameeyo mashaqada k aloosan dalka Yemen.
Go’aanka barlamaanka ayaa waxa uu dhabar Jab ku yahay dadaalkii ay dawladaha Sucuudiga iyo Masar ay ku doonayeen in dawlada Pakistan ay ciidamo lugta ah u soo dirto dalka Yemen.
Sucuudiga, ayaa Codka ay qaadeen Baarlamaanka Dalka Pakistan, kaga jawaabtay inay Hawadeeda u diiddo in Diyaaradaha Waddanka Pakistan Isticmaalaan, waxana la sheegayaa in Diyaaradii ugu horraysay ay dib usoo celiyeen.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment