Wednesday, April 1, 2015

Baanka Horumarinta Afrika oo Ballan-qaaday Mashruuc Biyo-saaris ah oo ay Bilo-gudahood kaga hirgelinayaan Somaliland

Hargeysa, 01 April, 2015 (Himilo)- Baanka Horumarinta Afrika, ayaa ballan-qaaday inay muddo dhowr bilood gudahood ah mashaariic biyo-saaris ah ka fulinayaan Somaliland, kaddib markii ay dalka socdaal ku yimaaddeen saraakiil sare-sare oo ay xubno ka yihiin Injineerro iyo aqoonyahanno ka socda Baanka Horumarinta qaaradda Afrika.
DSC_0127Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay weftiga Baanka Horumarinta Afrika oo hoggaaminayaan Laba masuul oo sar-sare, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey dalka ku sugnaa, isla markaana kormeer indho-indhayn ah ku samaynayey suurta-galnimada mashaariic xagga biyo-soo-saarka ah oo ay dalka ka hirgeliyaan.
Kulanka dhexmaray Madaxweynaha iyo weftiga ka socday Baanka Adduunka oo warbaahinta dibad-joog ka ahayd waxa Md Siilaanyo ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Biyaha, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.
Markii kulanku soo dhammaaday, waxa si wada-jir ah warbaahinta ula hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Sakaalka hoggaaminayey weftiga Baanka Horumarinta Afrika.
Wasiirka oo sharraxayey ujeeddada socdaalka weftiga, waxa uu sheegay in socdaalkoodu ka dambeeyey codsi uu u gudbiyey Madaxweynaha Baanka Horumarinta Afrika, waxaanu yidhi, “Waxa madaxweynaha la kulmay wefti ballaadhan oo ka socda African Development Bank oo ka kooban Injineerro iyo Aqoonyahanno, waxay dalka joogeen Shan cisho, waxay soo mareen meelo badan oo ay ka mid yihiin meelaha aynu biyaha uga baahannahay, mashruuca ay u socdaana wuxuu yahay mashruuc xagga biyaha ah, wasiirka Biyaha iyo hay’addii biyaha ayay la kulmeen. Aad iyo aad baanu uga mahad-naqaynaa Baanka horumarinta Afrika weftiga ballaadhan ee uu soo diray oo anigu aan ka soo dalbaday markii aan la soo kulmay Madaxweynaha (Baanka Horumarinta Afrika) inuu noo soo diro wefti ballaadhan oo naga caawiya xagga biyaha, mashaariic kale oo baanku leeyahayna way ka socdeen meesha.”
Dhinaca kale, Sarkaalka hoggaaminayey weftiga Baanka Horumarinta Afirka, ayaa sheegay inay muddo kooban oo dhowr bilood ah ku bilaabayaan mashruuc horumarineed oo xagga soo-saarista biyaha ah, waxaanu yidhi, “Aniga ka wakiil ah Baanka Horumarinta Afrika, madaxweynaha iyo Madaxda sare, waxaan uga mahad-celinayaa dowladda Somaliland, gaar ahaan Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wasiirradii kale eenu la kulannay, waxaanu ka helnay soo-dhawayn diirran oo noo saamaxday inaanu ka hawl-galno sidii aanu u kuur-galno fursadaha aanu taageero ka geysan karno dhinaca biyaha. Wefti kale ayaa iman doona sida ugu dhakhsaha badan, waxaanan rejaynayaa muddo bilo ah gudahood inuu Baanka Adduunku fulin doono mashruuc biyo ah oo shaqaynaya.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment