Monday, April 27, 2015

Cutubyo Katirsan Islaamiyiinta Daacish Oo Lagu Dhex Arkay Dalka Yemen Oo Qalalaase ka Taagan Yahay

foreSanca:April,27,2015(Himilo)-Cutubyo katirsan Islaamiyiinta ka jira Dalalka Syria iyo Ciraaq, ayaa lagu arkay iyagoo ka dhex dagaallamaya Dalka Yemen, kadib markii ay baahiyeen Muuqaal ay iska soo duubeen.

Daacish ayaa muuqaal soconayay 9-daqiiqo iyo qadaro ilbidhiqsi ah soo saartay, kaasoo ay ku muujineyso joogitaankooda Yemen, una hanjabeysa Jabhada Xuutiyiinta.

Tobaneeyo ka tirsan dagaalyahanada Daacish oo wata qoryaha AK47, qoryaha boobayaasha iyo RBG, waxaa ay xidhnaayeen dareys milateri, waxaana ay ku sugnaayeen dhul saxare ah oo ku dhow Caasimada Sanca.

Tan iyo markii Daacish ay sheegatay weerarkii bil ka hor lagu qaaday Masaajido ku yaala magaalada Sanca oo ay u badnaayeen Shiicada waxaa soo baxayay tuhun ah in kooxdu ay ku sugan tahay Yemen.

Mid ka mid ah dagaalyahanadii Video ka soo muuqday ayaa ku dhawaaqayey, “Waxaan nahay Askarta Khilaafada Islaamka oo Yemen u yimid, inay madaxyada Xuutiyiinta gooyaan”

“Waxaan u nimid Yemen, wiilashan oo u ooman dhiigeena iyo inay idinka aar-gutaan, iyo sidii Suniyiinta dhulkooda idinkaga ceshan lahaayeen”ayuu yidhi Hogaamiye ka tirsan IS.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Suniyiinta inay ku soo biiraan oo ay la dagaalamaan Xuutiyiinta, si ay uga saaraan dhulalka ay qabsadeen

Dagaalyahanadan ayaa dhoolatus kooban ku soo bandhigaya dhulka saxaraha, iyagoo rasaas ridaya, waxaana ay u muuqdeen kuwo si gaar ah u tababaran.

Kooxda Daacish oo markii hore ka bilaabatay dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa haatan u muuqata inay ku baaheyso wadamo badan, waxaana ay ka howl galayaan dalal ay hore ugu sugnaayeen taageerayaasha Al-Qaacida, sida Masar, Nigeria, Libiya, Algeria iyo meelo kale.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment