Garisa:April,03,2015(Himilo)-Waxa la daadgureeyey Hadhaaga Ardaydii iyo Macallimiintii Jaamacadda Garisa, iyadoo ay qaateen dhammaan wixi agab ahaa ee halkaas ka yaallay.Daad-gurayntan, ayaa bilaabantay kadib markii lasoo afjaray 16-saacadood oo koox Al-shabaab katirsani Halkaas haysatay, taas oo dhalisay Dhimashada 147-qof iyo dhaawac ku dhawaad 80-Qof oo iskugu jirey Ardaydii iyo Macallimiintii Jaamacadda.
Qaar ka mid ah ardaydii weerarka ka badbaaday oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaanay kusoo laaban doonin jaamacadda mar dambe, halka ay kuwo kale sheegeen inay ka badelenayaan.
“Ma awoodi karo inaan dib ugu soo laabto jaamacadda. Waa meel khatar ah oo aanay ku badbaadayn nafteyda. Mana sameyn karo inaan mar kale geliyo nafteyda khatar sidan oo kale ah,” ayuu yidhi Pallete Okombo oo jaamacadda dhiganayay sannadkii labaad.
Okombo ayaa intaas ku daray. “Saaxiibbaday qaarkood waa la dilay. Anigu waan wacay mana iga qaban taleefoonka. Waxayna ahaayeen kuwo aad u wanaagsan oo aan jeclahay.”
Ardayda ayaa waxaa maanta dhismaha Jaamacadda Gaarisa ka qaaday 10-bas oo waaweyn, iyadoo la sheegay in dib loogu celinayo qoysaskoodii oo qaarkood deggen magaalada Busia ee galbeedka dalka Kenya.
Toban ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee xukuumadda iyo kuwa gobolka Waqooyi bari ee Kenya ayaa kulan ay yeesheen shalay waxay ku heshiiyeen in la hakiyo waxbarasahada Jaamacadda illaa amar dambe iyo inta ay baadhista wadaan hay’adaha amniga Kenya.
Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa u ballan-qaaday xukuumadda Kenya inay kala shaqeyn doono la dagaalanka argagaxisada caadeystay inay kusoo qaadaan weerarrada wuxuushimada ah.
Dhirbaaxadii shalay Al-shabaab u geysteen Kenya, ayaa wali dhegaha dadka kasii baxaysa, waxana laga cabsi qabaa inay soo laabtaan Weerarro noocan oo kale ah oo ay ku hoobtaan dad kale oo aan waxba galabsani.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment