Saturday, April 18, 2015

Hay’adda Amnesty oo Kenya uga digtay fulinta go’aanka ay ku rarayso Boqollaalka Kun ee Qaxoontiga Soomaaliyeed ah

Nairobi, 17 April, 2015 (Himilo)- Hay’adda caalamiga ah ee u doodad Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International, ayaa cambaaraysay, isla markaana ka digtay in la hirgeliyo go’aan ay dawladda Kenya ku dhawaaqday oo ay ku sheegtay in 350,000 (saddex boqol iyo konton kun) oo Qaxoonti Soomaaliyeed ah dib loogu celinayo gudaha waddanka Soomaaliya, taasoo ay Hay’addu ku tilmaantay in ay tahay mid xad-gudub ku ah Sharciyada caalamiga ah ee Qoxoontiga.
AMNESTY IYO QAXOONTIGA XERYAHA DHADHAAB EE KENYA KU JIRAXeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, ayaa ah Xeryaha Qaxoontiga kuwa ugu weyn caalamka, kuwaasoo ku yaalla gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya qiyaastiina u jirta 100-km magaalada Gaarisa oo dhawaan uu ka dhacay weerar lagu dilay 148-qof, ka dib markii koox hubaysan oo Al-Shabaab ka tirsani weerareen Jaamacadda magaaladaas, iyadoo masuuliyadda weerarkaasna ay sheegatay Kooxda Al-Shabaab.
“Weerarka Gaarisa ka dib dawladda Kenya xaq ayay u leedahay inay go’aansato in amniga Shacabkeeda ay ilaaliso, laakiin-se taasi ma aha in Qoxoontigii ammaanka u soo raadsaday dalkooda khatartii ay kasoo carareen ku celiyaan.” sidaas waxaa yidhi Wakiilka Hay’adda Amnesty International ee Bariga Afrika iyo Harooyinka waa-weyn Muthoni Wanyeki.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto, ayaa 11-kii bishan Abriil sheegay inay ku wargeliyeen Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Qoxoontiga Adduunka ee UNHCR inay dib ugu celiso Qoxoontiga ku jira Xeryaha Dhadhaab gudaha Soomaaliya muddo saddex bilood gudaheed ku siman, haddii kale oo ay Hay’addu go’aankaas fulin waydana ay dawladda Kenya gacanteeda ku rari doonto marka muddadaas saddexda bilood ahi dhammaato.
Dawladda Soomaaliya ayaan ka talin deegaanno badan oo Koonfurta iyo Badhtamaha dalka Soomaaliya ku yaalla, goobahaasoo ay ka dhacaan rabshadaha ugu badan ee dhibaatadu ay kasoo gaarto dadaka Shacabka ah. Waana mid Sharciyadda Caalamka u yaalla ee ilaalinta Qoxoontiga ku noqonaysa xad-gudub, haddii Qoxoontiga Dhadhaab ku nool dib loogu celiyo deegaannada aan xasilloonayn oo ay ka dhacaan xad-gudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadamaha.
Wakiilka Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International ee Bariga Afrika iyo waddamada Harooyinka waa-weyn Mr. Muthoni Wanyeki, waxa uu isagoo sii hadlaya intaas ku day oo yidhi; “Sida ku cad Shuruucda caalamiga ah, dalalka dunida waxaa ka mamnuuc ah inay si khasab ah qoxoontiga ugu celiyaan deegaanno halisi ay ka jirto oo ay ka dhacaan xad-gudubyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadamaha. Kenya waxay ka mid tahay waddamadii saxeexay heshiiska caalamiga ah ee dhawrista Xuquuqda Aadamaha; waxaana looga baahan yahay inay ilaaliso heshiisyada ay wax ka saxeexday.”
Maaha markii ugu horreysay ee ay Kenya go’aansatay in Qoxoontiga Dhadhaab ku jira ay dib ugu celiso Soomaaliya. Bishii November 2013-kii ayay dawladaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda UNCHR waxay kala saxeexdeen heshiis dhigayey in Qoxoontiga Xeryaha Dhadhaab ciddii oggol inay dalkooda si madax-bannaan ugu noqdaan la caawiyo, balse aan la khasbin qofna in dib si jujuub ah loogu celiyo dalkiisa.
“Amnesty International waxay heshay xogo ku saabsan in Qoxoontiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab loo geysto dhibaatooyin kala duwan, iyadoo lagu eedeynayo inay ka yihiin Mas’uul amni-darrada ka jirta Kenya. Waxaan Xukuumadda Nairobi ugu baaqaynaa inay qaadato go’aan ka duwan in Qoxoontiga si khasab ah waddankooda loogu celiyo, waayo? Tallaabada ah in khasab lagu celiyo mid wanaagsan.” Sidaa ayuu yidhi Wakiilka Bariga Afrika ee Hay’adda Amnesty International oo ku saxeexnaa War Qoraal ah oo ay Hay’addu soo saartay Jimcihii shalay.
Hay’adda Amnesty International waxay dawladda Kenya ku boorrisay inay dhawrto dhammaan Sharciyada caalamiga ah ee lagu ilaalinayo Qoxoontiga, isla markaana ay difaacdo Qoxoontiga Soomaaliyeed oo qaarkood ay sannado badan ku noolaayeen Dhadhaab iyo dadka kale ee magangalyo-doonka ah ee dalka Kenya imanaya.

Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment