Hargeysa (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii maxkamada sare ee somaliland isla markaana aan xilkaasi haatan cid u magacaabin.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxtooyada Somaliland ayaa lagu cadeeyey xil ka qaadista guddoomiyaha maxkamada sare waxaanu u dhignaa sidan:-
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo
waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3197/042015 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, isaga oo madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii buuxin lahaa guddoomiyenimada.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddida Caddaaladdu;
Markuu Arkay: Cabashooyinka is-dabajoogga ah ee dadweynuhu ka muujiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorka Dalka;
Markuu Yaqiinsaday: In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka;
Wuxuu Go’aansaday
In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Guddoomiyenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Yuusuf Ismaaciil Cali.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Dhuxul
Afhayeenka Madaxtooyada JSL
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment