Sunday, April 5, 2015

Magaca Wiil Uu Dhalay Siyaasi Caan ka ah Waddanka Kenya Oo La Sheegay Inuu Ku Jirey Kooxdii Weerartay Jaamacadda Garisa

faroNairobi:April,05,2015(Himilo)-Ciidamada Sirdoonka Dalka Kenya, ayaa sheegay inay hayaan macluumaad sheegaya in wiil uu dhalay Siyaasi caan ka ahi waddankaasi uu ku jirey kooxdii weerarka ku qaadday Jaamacadda Garissa.

C/Raxmaan Maxamad Cabdullahi oo uu dhalay gudoomiyihii hore ee deegaanka Buulo Jamhuuri ayaa la tilmaamay in uu qeyb ka ahaa dableydii weerartay jaamacada.

Booliska Kenya ayaa sheegay in baadhitaano ay wadaan oo ku aadan in C/Raxmaan uu ku luglahaa weerarkaasi.

Dowlada Kenya ayaa 5-ruux uqabatay weerarkii Al-Shabab ay kuqaadeen Jaamacada Garissa oo lagu dilay 147 ruux.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa wacad kumaray in ay ka aargudan doonaan Shabab-ka weerarka kageystay gobolka Waqooy-bari.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment