Monday, April 20, 2015

Mudane Katirsan Aqalka Guurtida Oo Soo Jeediyey In Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Ee Dhawaan La Qaban doono Laga Dhigo Mid Raandhiis Dambe Yeelata Oo Aan La Dedejin

in axaHargeysa:April,20,2015(Himilo)-Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida, ayaa ka Hadlay Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Dhawaan dalka laga hirgelin doono, waxana uu soo jeediyey in laga baaraandego sidii tallaabadaasi u noqon mid midho dhasha oo mustaqbalka loo aayo.

Xildhibaanka oo Warbaahinta la Hadlayey, ayaa sababta dibu dhaca Doorashooyinka sanadkan ku tilmaamay mid canaanteeda aan cid gaar ahi lahayn, balse ay tahay mid la wada leeyahay, isagoo sababtana ku sheegay Natiijada Diiwaangelintii Codbixiyayaasha Reer Somaliland kasoo baxday ooh ore Golayaasha qaranku u laaleen, isla-markaana           Axsaabta qaranku codsadeen,

“waxa aad ogtihiin in beryahan oo dhan in muddo kordhiin iyo wax laga hadlayo, waxanse leeyahay maanta ma ay dhicine shalay ayey ahayd inagoo haysanna kaadhadh lagu footaynayo oo Milyan iyo Boqol ahaa, waana la baabi’iyey, eeddaasna waa leh oo kaw ka ha Xisbiyada, waxana aad ogtihiin in midowga yurub ay la yaabeen maalintii aynu laalnay wixii adduunka badani ku baxay, inagoo joogna meel aynu ka dhaqaaqno waxana aynu u baahnayn shaandhayn kaliya uun, waxana aynu baabi’inay oo inay dib u dhacdo ay timi markii saddexda Xisbiba kamid bay ahaayeen Golayaasha sharcigana waa lasoo mariyey waxana la soo saaray ilaa dib diwaangelin loo sameeyo inaan dib doorasho loo gelin, markaa waxba yaan eedda la isku tuurtuurin.” Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan.

Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Waxa uu si cad u sharraxay Baahida loo qabo in laga baaraandego Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Dhawaan Dalka laga samayn Doono, waxana uu soo jeediyey inn wakhti la siiyo arrintaas si ay mustaqbalka dambe raandhiis u yeelato, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlay uu yidhi,

“maanta talo waxan kusoo jeedinayaa waar anaga gole guurti ahaan waxa nalagu eedeeyaa inaanu Mudo-kordhin abuurno mase samaysano, waxanu leenahay Haddii la doonayo in laga guuro Dibudhacyadan soo noqnoqnaya iyo sababaha keenaya waar maantay taagan tahay diiwaangelintaas oo socota yeynaan dabada ka eryin oo aynaan dedejinin si Kontonka Sano ee Soo Socda mid waliba wakhtigeeda ku qabsoonto aynu u hubsanno maanta wax sugane inay inoo qabsoomaan, laakiin Haddii aynu dabada ka erino, maalin walba waxa imanaysa tanna waa lagu qaldamay.”

Dhinaca Kale Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan waxa uu ka Hadlay Dekedda Berbera oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay soo baxayeen warar tilmaamayey in cid gaar ah lagu wareejin doono, waxana uu hoosta ka xarriiqay in baahi loo qabo horumarin lagu sameeyo Dekedda Berbera, isagoo intaas ku daray inaanu suurtoobi Karin in dekedda iyo dhaqaalaheedaba mar kaliya lagu wareejiyo shirkad ajaanib ah, waxana uu yidhi,

“Qaranka iyo shacabka Somaliland dekeddu wax ku fudud ma aha, waxana aan aaminsanahay in la siyaasadeeyo oo horumarka qaranka siyaasad la geliyo oo Garoon Kubadda lagu ciyaaro ay noqoto waanu kasoo horjeednaa, Dekeddaasina waa deked somaliland oo dhan Anfacda, Waana isha kaliya ee dhaqaale ee dalku leeyahay, in la ballaadhiyaana waa waajib. Ninka Kursiga Maanta fadhiyana waajib bay ku tahay inuu u doono horumarin, ka beddeli doonaana waxa waajib ku ah inuu horumariyo si ay caalamka ula tartanto. Markaa yeynaan horumarka la dagaallamin, marka la leeyahay Dekedda waa la horumariinayaa macnaheedu ma aha in shaqaalaha Dekedda la daadinayo, Suurtagalna noqon mayso in shirkado ajaanib ahi intay yimaadaan ay dekedeena iyo dhaqaalaha dalkaba ay la wareegaan, xuukamaddana kama suurtagelayso, madaxweynuhuna wuu noo caddeeyey oo qoraal baanu ku haynaaa uu ku sheegay in afar shirkadood ay tartan ku jiraan, waxa danteenana waa eeganaynaa oo daan shirkad kale leedahay eegan mayno, ta qarankana madaxweynahaa ka masuul ah.”

Ugu dambayntii waxa uu Xildhibaan Maxamed Xaaji Cabdiraxmaan Soo Dhaweeyey tallaabada Baanka dhexe iyo Wasaaradda Maaliyaddu iska kaashadeen ee istictimaalkii Adeegyada Zaad-ka iyo E-dahabka loogu beddelayo Shilinka Somaliland, waxana uu ku tilmaamay tallaabo dan u ah dhammaanba shacabka Reer Somaliland.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment