Sunday, April 19, 2015

Qisaastu waa sharci alle (SW) jideeyay oo ay Somaliland ku guuleeysatay fulintiisa

Qisaas, oo ah erey asal ahaan carabi ah oo macnahiisu yahay in qofka danbiilaha ah laga gooyo danbiga uu galay mid la mid ah, haddii uu dil yahay in isna la dilo, haddii dhaawac yahayna in isna sidoo kale la dhaawaco, haddii ruux uu dheg ka jaray in isna dheg laga jaro ayaa ah sharci alle-sw- uu u dejiyay aadamaha si ay ugu wada noolaadaan sinaan iyo nabadgelyo.
Fulinta xukunka alle jideeyay ayaa ah mid laga dhaxlaayo raali ahaanshaha illaahay iyo naxariistiisa faraha badan ee aadamahu u qabo baahida balaadhan ee aanu ka maarmi Karin, sida uu allaah-sw- qur’aanka ku sheegay in qisaasta ay ugu sugantahay aadamaha nolol raaxo badan.
Nabi Muxammed NNKH ayaa ahaa hogaamiyihii dhabta ahaa iyo macalinkii bulshadan nool qarniyadan danbe, islamarkaana ruuxa ugu khayrka badan aadamaha dhamaantii intuu illaahay abuuray, intii nabigu-nnkh- uu noolaa ayaa waxa bulshada wada gaadhay caddaalad iyo nabadgelyo balaadhan oo laga wada dareemay dhamaan daafaha dunida, nabiga-nnkh- ayaa ahaa mid fulin jiray amarada allah-sw- sida loogu waajib yeelay oo aan marnaba ka gaabin jirin.
Ruux kasta oo Nabiga NNKHA dabadii nool oo aan gafayn ma jiro laakiin caano daatay dabadood la qabay, xukunkii dilalka ahaa ee lagu riday dadkii danbiilayaasha ahaa ee gaystay falalka arxan darada ah ee dilalka ahaa ayaa noqday mid haatan lagu fuliyay lix ka mid ah danbiilayaashaasi oo lagu dilay degmada mandheera .
Somaliland oo muddo dheer ka dib ku dhiiratay inay fuliso xukun allaah-sw- amray in la fuliyo una samaysay sidii loo baahnaa ayaa ah mid u baahan amaan iyo bogaadin ay xaq u leedahay dawlada fulisay xukunka allaah-sw- jideeyay.
Somaliland amaan iyo sharaf ayay kuu tahay fulinta xukumada allaah-sw- jideeyay, waxa ku yaraan doona dilal danbe oo dhaca, waxa ku waantoobi doona daalinkii ku dhiiran jiray dilka, waxa badbaadi doona madluumkii la dulmiyi jiray loogu hanjabi jiray waan ku dili, waxa waari doona amaanka aynu ku faano kuna dhisanahay ee aan qayrkeen haysan, waxaan leeyahay talaabo fiican ayaad qaadeen anaguna garabkiina ayaanu taaganahay hayaanka halkaa kasii wada horumarkiinuna ma hungoobo mana hantaaqo.
Qalikii: Hassan Ahmed
xasan10001@gmail.com

Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment