Nairobi:April,05,2015(Himilo)-Kenya, ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay shan qof oo lagu xidhiidhinayo weerarkii khamiistii lagu laayey Ardaydii wax ka baranaysay Jaamacadda Garisa ee W/bari Kenya.Qofka la aaminsan yahay in uu yahay maskaxda ka danbeysey weerarka ayaa la sheegayaa inaan wali lasoo qabanin oo dabagal lagu hayo.
Weerarka ayaa ahaa kii ugu xumaa ee dalka Kenya ka dhaca, waxaana weerarkaas sheegtey in ay ka danbeeyaan ururka al-Shabaab. Weerarka waxaa soo qaadey 4 nin oo ka tirsan al-Shabaab, waxaana ay madaxa iyo dhabarka ka toogteen qofkii ay arkaan oo dhaqaaqayaba, dadka qaarkiis waxay u dileen si wadar ahaan ah iyaga oo hal goob isugu geeyay, waxaana hawglakaasi qaatey 15saac. Dhamaan kuwii weerarka soo qaadey waa la diley.
Qabashada shanta qof waxaa warbaahinta CNN u xaqiijiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya Joseph Nkaissery, Wasiirku wax faah-faahin ah kama bixin dadka la qabtey iyo halka lagu qabtey.
Kenya ayaa weerarka ka dhacay Gaarissa ku eedaysay inuu soo abaabulay nin lagu magacaabo Maxamed Kuno oo loo yaqaan Dulyadin ama Gacmadheere, kaasi oo hore macalin uga soo ahaanjiray dugsi ku yaal magaalada Gaarissa, hadana kamid ah hogaamiyayaasha kooxda Al Shabaab.
Dowlada Kenya ayaa balan qaaday lacag ka badan 200 kun oo dollar qofkii soo sheega meesha uu ku sugan yahay hogaamiyahaasi.
Dad ka badan 400 oo qof ayaa kooxda al-Shabaab ku dileen gudaha dalka Kenya, tan iyo markii la doortey Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta sanadkii 2013.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment