Riyadh, 19 April, 2015-(Himilo)- Dawladda Boqortooyada Sucuudiga oo hoggaaminaysa Is-bahaysiga Jaamacadda Carabta ee weerarada Cirka ee ka dhanka ah fallaagada Xuutiyiinta Yemen lagu hayo, ayaa ku yaboobahay dhammaan Lacagta ay Jimcihii dorraad codsatay Qaramada Midoobay si loogu gargaaro dadka tabaaleysan ee reer Yemen ee ka qaxaya dagaallada ka socda dalkooda ee Xuutiyiinta iyo dawladda u dhexeeya iyo Duqaymaha ay Diyaaradaha Xulufada Jaamacadda Carabta ee Sucuudigu hoggaaminayaa ka geysanayaan Yemen.
Wakaaladda Wararka dalka Sacuudiga, ayaa sheegaysa in dalkaasi uu bixinayo lacag dhan 274 Milyan oo Doollarka Maraykanka ah oo wax lagaga qabanayo xaaladda Bani'aadaminnimo ee haysata dadka reer Yemen ee dagaallada halkaasi ka socdaa ay saameeyeeyn. Sidoo kale War rasmi ah oo ay soo saartay dawladda Sacuudigu, waxa lagu sheegay in Sacuudigu uu garab-taagan yahay Walaalahood Yemen.
Madaxweynaha dalka Iran Xasan Ruuxaani, ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday dalka Boqortooyada Sacuudiga, kaasoo la xidhiidha ololaha uu horkacayo Sacuudigu ee ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen oo ah Shiicada dalkaas ku dhaqan, isla markaana ay dawladda Shiicada ah ee Iran dhinaca qalabka dagaalka ka caawiso sida ay hore Sucuudiga iyo Maraykanku ugu eedeeyeen dawladda Iran.
Khudbad uu u jeediyay Ciidanka dalkaas oo si toos ah looga sii daayay Telefishinka Qaranka Iran, ayuu Madaxweyne Xasan Ruuxaani waxa uu ku eedeeyay in uu Sacuudigu gobolka ka abuurayo naceyb, waxaanu sheegay in Sucuudigu uu heli doono jawaabta arrimahaas iyo faro-gelinta uu ku hayo Yemen ha dhawaato ama ha dheeraato’e maalin maalmaha ka mid ah.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment