Paris:April,09,2015(Himilo)-Kooxo la sheegay inay xidhiidh la leeyahay Ururka Dacish, ayaa waxyeello ba’an gaadhsiiyey Taleefishinka Faransiiska ee T-V-Cinq-Monde, waxana la xaqiiyey in 11-ka mid ah Kanaalada Tv-gaasi la jabsaday.Agaasimaha shirkadda ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid culus ilaa iyo haatanna uu socdo, waxana khalkhal la dareemay soo galay Hanaankii baahineed ee TV-gaas oo dalka faransiiska si weyn looga daawado.
Isagoo booqanayay xarunta dhexe ee TV-ga, ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Laurent Fabius waxa uu u sheegay weriyayaasha in dowladda ay sameynayso waxkasta oo suuragal ah si ay u xoojiso ammaanka.
waxa uu sheegay in ay ahmiyadda saarayaan ammaanka intarnet-ka iyo sidii loo difaaci lahaaba, arrintaasna ay ahmiyad u leedahay wasaaradda difaaca, wasaaradda arrimaha gudaha iyo wasaaradaha kaleba.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment