Tuesday, April 7, 2015

Xafiiska AL-KARAAMA oo ku Guulaystay soo Saarista Fiisayaasha Sucuudiga ee Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa, 07 April, 2015 (Himilo)- Xafiiska Al-karaama Travel Agency and Multi Service, ayaa ku guulaystay inuu si fudud oo toos ah u soo saaro fiisayaasha dadka reer Somaliland iyo kuwa waddanka Soomaaliya ee doonaya inay soo cimraystaan amma booqasho ku tagaan dalka Sucuudi Carabiya, arrintaas oo sannadihii u dambeeyey guud ahaan bulshada Soomaalidu dhib weyn kala kulmi jireen.

Mr. Naasir Salaan Cabdi (Cabbaas) oo ka mid ah masuuliyiinta Al-karaama Travel Agency oo xaruntiisu ku taal caasimadda Hargeysa, ayaa  faahfaahin ka bixiyey nidaamka xafiiskiisu ugu soo saarayo dadweynaha ku dhaqan dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya fiiseyaasha xajka, cumrada iyo siyaarada ee Sucuudiga, isagoo sheegay inay jiraan dad badan oo ku baxay fiisayaal xafiiskoodu u saaray.

"Runtii xafiiskani waa kii ugu horreeyey ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya ugu guulaysta inuu si toos ah u soo saaro fiiseyaasha cumarda iyo siyaarada iyo xajka, waxana fiise sharci ah loogu saarayaa 12 maalmood gudahood, qofka fiisaha soo dalbanayaana waxa looga baahan yahay inuu haysto baasaaboor dhicistiisa ka hadhsan tahay ugu yaraan lix bilood.

Fiisayaasha booqashada Sucuudiga waxaannu u soo saarnaa dad badan u ganacsato, waana hal bil, qofkii doonayana waxa loo samaynayaa fiise 9 bilood ah, isagoo markuu bil joogo Sucuudiga dib uga soo laabanayaa, kadibna sagaalkaas bilood gudahood marka uu rabo ayuu ku noqonayaa oo hawlihiisa oo dhan wuu ku dhammaysan karaa muddadaas, weliba fiisaha ganacsigu waa mid qofka u saamaya inuu tagi karo magaalo kastoo Sucuudiga ah inta fiisahiisu ku egyahay.

Fiisaha cumaradu isagu waa hal bil, laakiin haddii qofka xaalad ku timaad waa loo kordhin karaa, markaa waqtigan adeegyada fiisayaasha aannu bixinnaa way socdaan, waxana dhowaan ku baxay dufcaddii shanaad,” ayuu yidhi Mr. Naasir oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay xafiiskooda magaalada Hargeysa shalay.

Waxa kaloo uu macaamiisha Al-karaama Travel Agency iyo dadka niyadda ku haya sannadkan gudashada xajka iyo cumrada ugu bushaareeyey inay si fudud ugu soo saari doonaan fiisayaal degdeg ah, isagoo ka codsaday cid kastoo u baahan fiise inay xilligan la xidhiidhaan xafiisyadooda ku kala yaal magaalooyinka gobollada dalka Somaliland, “Maadaama cidhiidhi dhinaca soo-saarista fiiseyaasha ah iman doono marka la gaadho bisha July ee soo socota culaysyo waqtigaas jira awgood.”

Sidoo kale, Mr. Naasir waxa uu macaamiishooda u ballanqaaday adeegyo dheeraad ah oo ay u fidin doonaan dadka doonaya inay soo gutaan xajka, waxaannu sheegay inay xujayda iyo dadka cumraysanayaba u diyaarin doonaan guryo ay degaan.

Dhinaca kale, Cali Muuse oo ka mid ah ganacsatada Somaliland ee ku xidhan suuqyada Sucuudiga, ayaa si weyn u soo dhoweeyey hawsha soo saarista fiiseyaasha ganacsiga ee uu ku guulaystay xafiiska Al-karaama, taasoo uu sheegay inay ka faa’iidaysan doonaan ganacsato badan oo dhibaato kala kulmi jiray helista fiisayaasha dalkaas.

“Waxaan ka mid ahay macaamiisha xidhiidhka la leh xafiiska Al-karaama, waxaannu anigoo baahi weyn u qaba, hawlo ganacsina igaga xanniban yihiin ii fududeeyey inuu si dhaqso ah fiise iigu soo saaro, runtiina aad iyo aad ayaan ugu mahad-celinayaa xafiiska Al-karaama, bushaduna way ku raysay,” ayuu yidhi ganacsade Cali Muuse.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment