Monday, April 6, 2015

Xuska Sanad-guuradii 34-Aad Ee Kasoo Wareegtay Aasaaska SNM Oo Maanta Hargeysa Lagu Qabtay Iyo Weedhaha Madaxdii Ka Qaybgashay

korgHargaysa:April,06,2015(Himilo)-Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey Sanad-guuradii 34-naad ee ka soo wareegtay Aasaaska Ururka Dibu xoraynta SNM, ayaa Maanta lagu Qabtay Magaalada Hargeysa, waxana kasoo qaybgalay Madax, Mujaahidiin, Wasiirro, xildhibaanno iyo marti-sharaf kale oo aad utiro badan.

Xarunta Munaasibaddu ka dhacday oo ahayd Beerta Xorriyadda, ayaa waxa saaka laga dareemay deryanka Heesaha ay caanka ku ahaayeen Halgamayaashii SNM, waxana lagu ladhay Dayaanka Muusikada Ban-boyda oo saaka kasoo dhaqaaqay aqalka madaxtooyada hortiisa, isla-markaana socod ku gaadhay Xarunta Xuskani ka dhacayay, waxana halkaas laga jeediyey Khudbado dhaadheer oo salka ku hayey qiimaha maalintaasi ugu fadhido gebi ahaanba waddanka somaliland.

Guddoomiyaha Jimciyadda Mujaahidiinta SNM ee Sooyaal, waxana uu ku dheeraaday Qiimaha maalintani ugu fadhido reer Somaliland,

“Waxa aynu Xusaynaa oo kaliya Maal-mihii Qadhaadhaa ee ina Soo maray Xuska Maanta oo ah 6dii April waa maalin Tariikhi ah oo ku suntan Kuna jirta quluubta dadka shacabka ah ee somaliland,Waxaana Marka Hore leeyahay Hambalyo iyo Bogaadina U dirayaa Cid kasta iyo Shacabi waynaha somaliland Maalinta Awgeed,waxaanan intii dhimatay u rajaynayaa Caafimaad Qab.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Jimciyadda Sooyaal.

 

 

Wasiirka Wasaarad Duulista iyo Hawada somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo kamid ahaa Dadkii kasoo qaybgalay Munaasibaddan, ayaa sheegay in midhihii ay beereen Ururkii SNM ay yihiin qaar loo aayey oo maanta la hadhsanayo, waxana uu yidhi,

“Waxa aynu Maanta joognaa Maalintii La Aas-aasay ururkii dhaq-dhaqaaqa wadaniyeed ee SNM ee dalkan Xoreeyay,waxa aynu joognaa Sanad Guuradiisii 34naad ee sababta u noqday in ay Qarankan somaliland yagleelaan,kaas oo Lasameeyay 6dii April 1981,Ururka SNM Xoriyad Dheer ayuu dalkan u soo maray waxaana aynu sheegi karnaa inuu Guulaystay Maantana yahay Qaranka aynu joogno Himilada uu lahaana Xaqiijiyay.”

Wasiir Maxamuud Xaashi oo Hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi,

“Tariikhda SNM waa tariikh aad u balaadhan una baahan in aynu caruurteen baro iskuuladana ku dhigno,Kuwa nool waxaanu u rajaynaynaa Cimri dheer iyo caafimaad kuwa dhintayna inuu ilaahay Godka u nuuro,Waxa aynu halkan ku soo gaadhnay dan guud Markii aynu iska tuurnay dan gaar ah ayaynu guusha gaadhnay,Hadafkii SNM waxa uu ahaa in aynu gumaysiga iska qaadno oo aynu qaran somaliland layidhaa abuurno,Halgankii SNM waxa uu ahaa 9Sano Waxan uu ahaa mid Guul u ah somaliland Qarankeedana u soowada hoyatay.”

Mujaahid Maxamed Cilmi Galaal oo ka Mid Ahaa mujaahidiintii waawaynayd ee SNM Oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in tariikhda ururkani leeyahay kor loo qaado si wayna looga xuso maalinta madaama oo sida uu cadeeyay qiimo balaadhan dalkan ugu fadhido.

Wasiirka Maaliyada somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa ka marag kacday in Maalintani tahay Maalin Qiimo ugu fadhida shacabka somaliland kuna Turjumayso Siday ay Shacabku ugu soo baxeen.

“Anigu markaan gaadhi hargaysa ku dhexwato is arko waxaan xasuustaa dadkii u dhintay suurto galiyayna in aynu nabada ku Naloono,Waxa markasta waajib inagu ah kuwa agoomaha in aynu Ogaano daryeelkood siinana mudnaan gaar ah oo aanay lahayn dadka kale,qarankani waxa uu ku faanayaa dadkii Dhaliyay Nabada cadawgana ka dhiciyay shacabka in ay maanta Badhkood joogaan.” Ayey Tidhi Wasiir       Samsam.

Marwada Koobaad ee Qaranka somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde (Aamina Waris)oo iyaduna munaasibada soo afmeertay Ayaa U mahad Mujaahidiintii SNM, Fariinna u dirtay Bulshada somaliland.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Shacabi waynaha somaliland Maalinta SNM awgeed una dabaal dagaysa Xuska Maalintan,Maanta waa maalin qiimo wayn inoo leh waa maalintii Gobanimadan iyo sharaftan aynu ku nool nahay lahantiyay,Mujaahidiinti wixii shahiiday iyo kuwa Curyaaminta Ah inoo galeen,Maanta waxa inala Gudboon Kuwii yaryaraa ee markaas Dhibtaas lasoo maray Aan dhex joogin in aynu dareen siino tariikhda dalkan loo soomaray.” Ayey Tidhi Marwo Amina Waris.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment