Tuesday, May 5, 2015

Alloow laba geeriyood golaha ha isugu xigsiin

(Golaha guurtida waxaan leeyahay waxaad ka mid tihiin tiirasha uu qarankani ku taagan yahay waxa idinku dhex jira dad badan oo caqli iyo cilmi u saaxiib ah, waxaa idinku jira dad badan oo dalka dhiigoodii, dhaqaalahoodii, iyo dheecaankoodiiba galiyey. waxa idinku jira dad badan oo turuqoogii iyo tamardoodiiba ugu tabarucay tayeynta iyo taabo galinta qaranimadeena iyo qadarka ay ku leedahay qaarada Afrika)
Guud ahaan marka laga hadlayo sawir siyaasadeedka dunida waxay Somaliland sumcad iyo saameyn weyn kaga leedahay golaha guurtida gaar ahaanna waddamada jaarka aynu nahay sida Somalia, Jabouti, Ethiopia, Yemen.
Si kooban markeynu u eegno baahida siyaasadeed ee golaha guurtida iyo badbaadada qaranka Inta bandanna waxay ku xidhan tahay qaab dhsimeedka haykalka dawladnimo ee dalkasta leeyahay inuu yeesho nimaad isaga u gaar ah, dawladaha duniduna waxay leeyihiin laba qaab dhismeed oo kala ah
Parlamentry system iyo Presidential system oo kala:
1. Hanaanka dawladnimo ee ku dhisan awooda baarlamaanka taas oo u gadhwadeen ka yahay Raysal wasaare isagu haga majaraha dawlada
2. Halka ka labaadna ka yahay hanaan dawladnimo oo u gadhwadeen ka yahay Madaxweyne shicib soo doortey kuna yimid doorasho xor iyo xalaal ah sida nimaadkeena dawladeed ee hadda jira Somaliland ku dhisantey qeexayana dastoorka dalku.

(Golaha guurtu waa udub dhexaadka haykalka dawladnimada Somaliland waxaanay badbaado weyn u tahay dhismaha waddanka marka laga eego sida ay isula falgaliyaan hanaanka dimuqraadiyadeed ee waddanku qaatey iyo qaabdhismeedka bulshada Somaliland ee ku dhisan qabiilooyinka, garanna maayo siday waddamo afrikaanka ahi ugu faa’iideysan karaan qaadashada qaabka siyaasadeed ee Somaliland) Waa hadal kooban oo uu Prof. Yeneneh Tesfaye ka yidhi fasalka dhexdiisi xilli uu noo dhigayey maadada siyaasada Afrika) waxaaney daliil buuxa u tahay siday u dareensanyihiin dadka aqoonyahanka ahi qiimaha ay golaha guurtidu u leeyihiin nabadgalyada Somaliland.
Haddaba waxa uu dastuurka Somaliland qodobkiisa 83 golaha guurtida ku sifeeyey iney yihiin Golaha Odayaasha, waa hay’ad 2aad ee sharci-dejinta, waxaanu dib u eegaa xeerarka ka soo baxa Golaha Wakiilada intaan Madaxweynaha loo gudbin wuxuuna gaar u leeyahay dejinta xeerka ku saabsan diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada.
Awooda uu dastuurku siiyey ee aynu ka dheehan karno ama ka fasiri karno waxa weeye iney yihiin gole ka shaqeeya, Diinta, Nabadgalyada iyo dhaqanka.
Golahani waa gole ku suntanaa haldoorka iyo haybada bulshada iyadoo ay dhex joogi jireen geesiyo badan oo ku suntan taarikhda. sharafta ay ku lahaayeen qarankuna ahaa mid mugiisa iyo misaankiisaba leh iyadoo hadda kuwa ku jira ee ka dhaxlay jagooyinkoodaa u rajeynayo iney ku daydaan taarikhda ay ka tageen Aabayaashood.
Goluhu waxa marag ma-doon ah inuu in badan ku guntaday iyadoo la rabo in god madow lagu rido qaranimadeena lamana dafiri karo inuu goluhu yahay kay Somaliland bartaas ku soo gaadhay
Waxa dadka inta badan isaga qaldan iney shaqada golaha guurtidu tahay muddo kordhin balse way ka miisan weyn tahay shaqadoodu oo waxa weeye ta uu sheegay dastuurku sida aynu ku soo xusney qodobka 83aad
Intaas aan kaga imaado hordhaca iyo muujinta miisanka golaha guurtida
Waxa in dhaweydba dhagaha bulshada ka badatey xoogna la iskula dhex qaadayaa in golaha guurtidu waddaan muddo kordhin ay u sameeyaan xukuumada hadda tallada haysa ee ku fashilantey qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah oo waddanka ka dhacda taas oo ay u sibir saarayaan iney jiraan duruufo dalka ka taagan oo aan saamixi Karin iney doorasho dhacdo iyadoo markaad eegtaba duruufaha la sheegayo aaney aheyn kuwa jiro oo al arki karo. Ma jiraan Abaaro, Aafooyin dagaal, masiibooyin dabiici ah iwm.
Xukumaddu way awoodi kartey iney horeyba u diyaariso wax kasta oo dhankeeda kaga beegan oo ku saabsan qabsoomida doorshada dalka laakiin waxaad moodaa iney koox gaar ahi god ku ridayaan sumcadii ay Somaliland ku laheyd dunida iyagoo danta guud ka hormarinaya ta gaarka ah wayna soo bixi kuwa waxaas wada Allena swc ummada wuu tusi taarikhdana baal madow ayey ka gali.
Somaliland qaranimadeedu maaha wax ku yimid hadyad iyo hadal ee dadkaa u haraaday oo u hadhsan waayey, dhicina mayso iney dhayal ku burburto siday rabaan qaar badan oo kooxaysi ahi.
Muddo kordhin dhici kartaa oo muuqata ma jirto balse waxay dalwada, xisbiyada, iyo komishanka doorashooyinka oo xaq u leh cayimaada wakhtiga doorashadu isla qaateen in sanad ka dib farasamo ahaan marka la eego ay ku dhici karto doorashada madaxtinimada dalka ee lagu hananayo hogaanka sare ee waddanka.
Golaha guurtida waxaan leeyahay waxaad kamid tihiin tiirasha uu qarankani ku taagan yahay waxaa idinku dhex jira dad badan oo caqli iyo cilmi u saaxiib ah, waxaa idinku jira dad badan oo dalka dhiigoodii iyo dhaqaalahoodii iyo dheecaankoodiba galiyey, waxaa idinku jira dad badan oo turuqoogii iyo tamardoodiba ugu tabarucay tayeynta iyo taabo galinta qaranimadeena iyo qadarka ay ku leedahay qaarada Afrika

Waxaad leedihiin sumcad iyo sareedo badan oo la idinku hayo diwaanka taarikhda
Yaaney dhicin ineydun ku degdegtaan rabitaanka muddo kordhinta kooxda dalkii iyo dadkiiba bartaas dhigtey oo aaney idinka raacin taarikh xumo idiin gasha diwaanka ama madxafka Somaliland oo la idinku xasuusin khalkhal iyo iska horkeen ummadeed.
Haddii ay dhacdo taasi oo aynu sameynaa muddo kordhin aan ka aheyn taas komishanka doorashooyinku Somaliland sameeyey ogaada ineydun lumiseen kalsoonidii shacabkiina sidoo kalena god madow aad ku rideen sumcadii Somaliland ku laheyd dunida waxaana jirtey geeriyo hore ee haleelay halyeeyo idinku jiray maanta waxaydun u dareeri geerida iyo xabaalida xilkiina iyo xurmadiina dalka iyo dadkaba aynu ku laheydeen Alle swc ka magan gala inaaney laba geeriyood idinku kulmin.

Haldoor Barkhad Jama Hirsi Batun
Hargeisa Somalialnd
Email: Barkhad909@live.com
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment