“Maantana Xukuumadda iyo Xisbiga talada haya ee KULMIYE hadday muddo-korodhsi bilaabaan sidii tii Daahir Rayaale ku khasaartay ayey ku khasaarayaan.
Dubai, 05 May, 2015-(Himilo)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madoow, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo sharaf ku lahaa kagana tegay halgankii SNM, sharafna lagu doortay, isla markaana uu immikana sharaf kaga tegi doono hoggaaminta Somaliland, isla markaana cid Somaliland isku wadi karta uu hawsheeda mustaqbalka ka shaqeeyo.
Boqor Cismaan Buur-madoow, waxa uu sheegay in Rag hanjabaya oo uu sheegay inay magacyo beeleed ku hadlayaan oo uu ula jeedo Madax-dhaqmeed, aanay Cirkana dhaqaajin karin, Dhulkana dhaqaajin karin, isla markaana wax cidi samayn kartaa jirin, balse Siilaanyo doorasho lagu fadhiisiyey kursiga, doorashana lagaga kicinayo.
Waxa uu Buur-madoow ammaanay doorka Golaha Guurtida iyo Bulshada Somaliland ku leeyihiin isu-tanaasulka iyo ka tashiga aahaya dadka iyo dalka, isla markaana ay maanta hor-taallo inay taas dhaqanka u noqotay ku tallaabsadaan, Buurmadaw oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Somaliland waxay halkaas ku soo gaadhay isu-tanaasul, istixgelin iyo is-qaddarin, shacab iyo dalkooda iyo dadkoodaba lexejeclo ka qaba ayay halkaas ku soo gaadhay, mawqif adag oo dhabar-adayg iyo samir badan u baahan bay halkaa ku soo gaadhay. Guurtidu waxay ahayd tii mar walba musdambeedka ahayd ee dhibaato kasta oo dhacda iyagu qaboojin jiray, arrinkaas aad iyo aad bay ugu ammaanan yihiin.”
“Waxaan filayaa inaanay korodhsiimo jirin, laakiin arrinkan kororsiga waxa keenay farsamo aanay wakhtigoodii ku qabsoomaynin doorashooyinka oo aanay illaa xilligan waxba diyaar ahayn, si kasta ha u dib dhacdo, canaanta cid kastaa ha yeelato, anigu marwalba maqif ahaan waxaan soo dhawaynayaa inay doorasho xor iyo xalaal ahi dhacdo.” Sidaa ayuu yidhi Boqor Buur-madoow.
Mar uu Afka Beeshiisa ku ammaanayey Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Boqoro Buur-madoow yidhi; “Ka beel ahaan markaan ku hadlayo afkeedana waxaannu qabnaa annagu, Madaxweyne Siilaanyo halgankiina taariikh buu ku lahaa, sharaf buu kaga tegay iyadoo aanay cidina dhibaatayn, Sharafna waa lagu doortay markii dambe, maantana waan hubaa inuu sharaf kaga tegi doono oo waxa uu qabtay iyo horumarka uu qabtay inaanu ugu abaal-gudin dhibaato dadkiisa mar walba sharafta la daba joogay, inuu doorasho xor ah oo xalaal ah inuu qaban doonana waan ku rejo waynahay, waxaannu Madaxweynaha iyo Xukuumaddana u soo jeedinaynaa inay ku dedaalaan sidii doorasho u qabsoomi lahayd.”
Boqor Buur-madoow oo ka hadlayay shaqsiyaad Madax-dhaqmeed ah oo hanjabay, waxa uu yidhi; “Dadkan durbaannada sharka ku haya ama hanjabaadaha ku hayana wax ahmiyad wayn ah oo aan siinayaa ma jirto, Rag aannu walaalo nahay oo magac beeleed ku hadlaya oo maalin walba hanjabaya, kaasna waxaan u arkaa way naga fiican yihiin. Annagu beel ahaan waannu hanjabi jirnay, laakiin markaannu hanjabi jirnay khasaaraa dhici jiray, laakiin way naga fiican yihiin inay maalin kasta nabadgelyada iyo hanjabaadda isku wadaan waa intay naga ilbaxsan yihiin ee ay naga xaddaarisan yihiin.”
“Laakiin, annaga waxa beel ahaan naga go’an inaannu mar walba Madaxweynaha nidhaahno; ‘taariikhdiii hore ee Somaliland-na sharaf baad ku lahayd, maantana inaad sharaf kaga tegto oo Somaliland cid hawsheeda isku wadi karta aad ka shaqayso ayaan loo baahan yahay, waxa loo baahan yahay maanta cid Somaliland isku wadda ee looma baahna cid sii kala kaxaysa. Ta labaad waxa weeye ninka hanjabaya ee leh Cirkaa dhaqaaqaya iyo dhulkaa dhaqaaqayana waynu ognahay inaanay jirin cir iyo dhul dhaqaaqaya ee meesha doorasho ayaa lagu fadhiyaa, doorashaa lagaga tegayaa, doorashada yaan la carqaladayn.” Sidaa ayuu yidhi Buur-madoow oo sii watay hadalkiisa.
Mar Buur-madoow wax laga weydiiyey arrinta muddo-kordhinta ee sannadka Guddiga doorashooyinku soo jeediyeen iyo walaaca Guurtida laga qabo, waxa uu yidhi; “Annagu waxaannu qabnaa haddii sannadkaa lagu darana inay ku filan tahay, haddii farsamo wax uga xumaadaan oo la yidhaahdo farsamo ku dhammaan maysana wax macquul ah hallagu daro ayaannu leenahay goorta ay ku qabsoomayso. Laakiin, wixii lagu dhufan jiray Guurtida yaan lagu dhufannin baan leeyahay ee hallaga fiirsado. Anigu doorashadaasi 2016-ka inay dhaafto ma qabo, waxaan qabaa oo aan soo dhawaynayaa hoggaan wanaagsan oo salmi ah doorashada in lagu kala helo ayaannu soo dhawaynaynaa.”
“Maantana Xukuumadda iyo Xisbiga talada haya ee KUKLMIYE hadday muddo-korodhsi bilaabaan sidii tii Daahir Rayaale ku khasaartay ayey ku khasaarayaan. Wixii farsamo ah ee meesha imanaya hadday Guurtidu tidhaahdo halla isla eego wax dhib ah uma aragno, laakiin wax Madaxtooyo iyo Wakiillo loo kordhinayaa iima muuqato, nin odhanaya Somaliland Kursigaan iska fadhiyayaa ma jiro, nin odhanaya dhenged baan kaga saarayaana ma jiro ee iskagaa afkiisa iska xumeeyey.” Sidaa ayuu yidhi Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madoow oo xalay waraysi siiyey Shabakadda wararka ee Caynabonews, isagoo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Boqor Buur-madoow, waxa uu soo dhaweeyey Ergada nabadeed ee dawladda Somaliland iyo Madaxda dhaqanka reer Sool ka wadaan deegaanka Taleex oo ay laba Beelood dirir dhimasho iyo dhaawac keentay ku dhex-martay, taasoo uu ku tilmaamay in cidkasta oo gashay iyo beelaha ergada aqbalayba ku ammaanan yihiin, isagoo u soo jeediyey inay colaadda nabad ku doorsadaan oo ay nabadda si niyad ah u wada qaataan beelahaasi. Waxa sidoo kale uu soo dhaweeyey heshiis nabadeed oo dhawaan dhex-maray Beelaha Qori-lugud iyo Buuhoodle.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment