Sunday, May 10, 2015

Dawakhaadda Muddo-kordhinta: Dareenkii Faysal Cali Waraabe, Dabuubtii Muuse Biixi, Diidmadii Cabdiraxmaan-Cirro iyo Dayaanka Guurtida laga filayo

Hargeysa, 10 May, 2015-(Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa sheegay inay isku raaceen in muddo-kordhinta Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada loo samaynayo laga dhigo sannad, shan bilood iyo 15 cisho, halka markii hore la isku hayay hal sano oo ay Guddiga doorashooyinku hore u shaaciyeen inay doorashada ku qaban karaan in la kordhiyo. Balse Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ku gacan-saydhay go’aankaas oo ay Jimcihii xubnahani isla qaateen, ka dib markii uu sheegay inay burtay shuruud ay ku xidheen.
guddoomiyayaasha-saddexda-xisbiGuddoomiyeyaasha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay Guddiga ka soo talo-bixinta muddo-kordhinta ee Golaha Guurtida u gudbiyeen qoraalka heshiiska ay isku raaceen Xisbiyada oo uu ka dhiman yahay Saxeexa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, oo isagu sheegay inay uga baaqdeen saxeexa heshiiskaas markii ay kalsooni ka waayeen Guurtida iyo Madaxweynaha ee uu suuragali waayey in la qabto kulan ay dhinacyada oo dhami isugu yimaaddaan oo Mucaaradka lagu siiyo kalsooni ah inaan waxaa lagu heshiiyey waxba iska beddelin. Sidaa awgeedna ay WADDANI ahaan ku laabteen Heshiiskii hore ee ahaa in hal sano la kordhiyo.
Go’aanka hore ee halka sano ahaa ayaa yimi markii ay Guddiga doorashooyinku sheegeen inay farsamo ahaan doorashooyinka isa-saarka ah ee Madaxtooyadai yo Golaha Wakiillada ku qaban karaan 1-da bisha June ee sannadka 2016-ka, halka ay muddada sharciga ah ee xil-haynta labadaas Gole ku dhammaanayso 26-ka June sannadkan 2015-ka.
Hase-yeeshee, go’aankan dambe ee ay Xisbiyadu isla qaateen, isla markaana WADDANI ka biyo-diiday markuu kalsooni ka waayey Madaxweynaha iyo Guurtida sida uu ku dooday Guddoomiye Cirro, ayaa dhigaya in doorashooyinkaas la qabto 15-ka bisha November sannadka soo socda ee 2016-ka, taasoo muddada la kordhinayo ka dhigaysa sannad, shan bilood iyo shan iyo toban cisho.
Guddoomiyeyaasha Xisbiyada UCID iyo KULMIYE, ayaa markii ay ka soo baxeen kulanka ay Guurtida ugu gudbiyeen Qoraalka Heshiiska ay wada-jirka u saxeexeen ee WADDANI ka dhiman yahay, waxay Saxaafaddu wax ka weydiisay waxa keenay in isbeddel lagu sameeyo muddadii hore la isugu hayey ee halka sano ah iyo waxa keenay waqtigan cusub ee ay hadda isla saxeexeen KULMIYE iyo UCID.
Waxaanu Guddoomiyaha Xisbgia Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ka dareen-celinaya Iskudayo Fashil ku dhammaaday oo salka ku haya Muddo-kordhin loo samaynayo Xukuumadda oo ay saddexda Xisbi isla meel dhigeen Wakhti ay heshiis ku yihiin, waxaanu yidhi; “Waxaan anigu shakhsi ahaan waa mar shanaadkii aan Guurtida imaaddo illaa 2002-dii, mar walbana waxa aan ka ahaa shantaa jeer Ergo inaan doorashada dib loo dhigin, waxaana caado innoo noqotay dawlad xilkeedii kasoo bixi weyday innaynu mar kasta jaa’isad usiinno muddo-kordhin, ismaanan lahayn UCID iyo KULMIYE oo Kursiga fadhiista, ayaa arrintaasi dib u soo noqon doontaa, waayo waxaannu ahayn labada Xisbi ee arrinntaas ka dagaallamayey.”
“Waxa nasiib-darro ah Kulmiye oo aan ogaa 2009-kii dagaalkii aannu ka wada galnay in loo kardhiyo dawladdii hore maanta markii uu Kursiga qabsaday aanu katalin sidii ay doorasho u dhici lahayd, intay iska seexdeeen markii ugu dambaysay yidhaahdeen Guurtiyeey kasoo taliyoo, waxaanay inna tusaysaa daciifnimadeenna.” ayuu yidhi Faysal.
Faysal Cali Waraabe waxa uu si gaar ah uga hadlay arrimo Xisbiyadu heshiis ku ahaayeen oo warar dhinaca Guurtida kasoo baxay ay Doc-faruureen, kuwaasoo ujeeddadoodu ahayd in Golaha Guurtidu ixtiraamaan muddo kooban oo Axsaabtu si wada-jir ah heshiis ugu yihiin, waxaanu yidhi; “Annaga (UCID) iyo Xisbiga kale ee Mucaaridka ahi (WADDANI) waxaannu la fadhiisannay dawladda illaa saddex jeer go’aan baannu gaadhnay inaannu wada-tashi samayno oo duruufaha eegno oo waxyaabaha inna horyaalla ee aan ahayn farsamo sida shuruucda iyo Saami-qaybsiga iyo hawlo badan oo aan Komishanka u muuqan markaannu aragnay waxaannu garannay inaannu durkinno wakhtiga, waxaanannu ku darnay shan bilood iyo shan iyo toban cisho muddadii sannadka ahayd.”
Guddoomiyaha UCID oo iftiimiyey sababta Guddoomiyaha WADDANI uga baaqday saxeexa heshiiska ay isla gaadheen, waxa uu yidhi; “Kulmiye waxaannu u dirnay waxaannu ku nidhi; ‘Dawladdiinnii kasoo raarida arrintaas inay nagu raacsan tahay, shalayna (dorraad) waxaannu la kulannay Guddoomiyaha Guurtida, waxaannu isku raacnay inaannu Warqadda saxeexno oo isaga u dhiibno, Saakana (shalay) waannu ballansanayn, waxaana saaka noo yimi Cabdiraxmaan-Cirro wuxuu nagu yidhi; ‘warar baa soo baxaya odhanaya Guurtidu Inteennii ku joogi maysee Maxaa ka macno ah ee aynu ka saxeexaynaa, sidaas ayaanu Cabdiraxmaan ku maqnaaday Xaqna wuu u leeyahay, mar haddii uu ogaaday wixii aannu ku heshiinnay inaanay Guurtidu ixtiraamaynin, waa Runtii oo wax loo saxeexo ma aha.”
“Anigu Faysal ahaan waxaan ku idhi maanta (shalay) haddii intaas aannu isku raacnay aad dhaaftaan waxaan ka tashanayaa inaan dalkan sii joogo iyo inkale, waayo? Dal aan laga naxayn oo mid Mucaarid ah iyo mid Muxaafid ahi ka naxayn anigu ma doonayo inaan taariikh Xun ka qaybgalo, waxaanan idhi haddii aad taas ka tagtaan waxaad u hiilinaysaan xumaanta dalka, waxaanan jecelahay in Illaahay Odayadeenna talada waafajiyo.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna xarunta Golaha markii ay isaga iyo Faysal Guurtida ka soo baxeen Saxaafadda kula hadlay, waxaanu yidhi; “Waxannu eegnay oo aannu isweydiinnay haddii aannu nahay saddexda Xisbi ee tartamayey inaannu arrinta Guurtida gacanta ku hayso ee muddaynta wakhtiga doorashada aannu ra’yi midaysan isla helno oo aannu raadinno Laba cisho oo dood dheer iyo arrimaha dhan walba laga eegay ka dib, go’aan baannu isla gaadhnay saddexdayadii Xisbi, waxaannu gaadhnay go’aan aannu u soo jeedinayno Guurtida, Guurtiduna waa Hay’ad Dastuuri ah oo awooddaas leh, annaguse Talo bixin baannu ku leenahay.”
“Jimcihii bay ahayd inaannu Saxeexno go’aankaas aannu kusoo heshiinnay oo kooban, waxase ka cudurdaartay Guddoomiyaha WADDANI, waxaanu yidhi; ‘Keligaa kuu dhiibi maynee noo shiri Guddigii Guurtida ee Hawshaas loo xil-saaray’ Guddoomiyaha Guurtiduna waa naga aqbalay, saakana (shalay) waannu ballannay, laakiin Guddoomiyaha WADDANI waa maqnaaday. Nasiib-darro waxa ah Rag waaweyn oo heshiiyey oo Madax ah oo saddexda Xisbi waxa joogay Guddoomiyayaaashooda, Xoghayayaashooda. Wixii lagu heshiiyey ee Rag ku heshiiyo Murna haka qadhaadhaatee waxay ahayd inay baxdo, nin walbana culays wuu haystay oo Xisbigiisii iyo dadkii ka dambeeyeyba doodi waa ka haysatay. Laakiin, Madaxnimo maaha wixii lagu heshiiyey in markaaba laga baxaa.” Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi.
Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in haddii dhibaato ka dhacdo fashilka heshiiska ay marka hore isla gaadheen shalay ku yimi, uu masuul ka yahay Xisbiga WADDANI, waxaanu yidhi; “Ra’yigayagu waxa uu ahaa in la qabto doorashada 15-ka November 2016-ka, Maqnaanshaha WADDANI waxa uu dhibayaa inaan Saddexda Xisbi wada dhammayn, haddii ay halkaas dhibaato ka timaaddana ma wada lihine Xisbigii naga baxay baa leh.”
Hase-yeeshee, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa fasiray sababta uu uga baaqday heshiiska, isla markaana waxa uu ku dooday inay waayeen Xisbi ahaan dammaanad buuxda oo caddaynaysa inaan waxba iska beddeli doonin waxa lagu heshiiyey, shirar la isku ogaana la baajiyey.
“Waxa la socoteen inaan weli go’aan kasoo bixin Golaha Guurtida, Axsaabtuna waa kulantay Saddexda Xisbi Qaran, ugu yaraanna laba fadhi bay Kulmeen oo wax baanmu isweydiinnay, waxaannu is weydiinnay in talo Qaran oo midaysan oo Saddexda Xisbi iyo Xukuumadduba ku midaysan yihiin la helo, waxaannu ka hadlaynayna waxa uu ahaa wadahadal iyo soojeedin, heshiiskuna waxa uu ku imanayey marka aannu helno Kalsoonida Golaha Guurtida, waxaannu ku heshiinnay in waxa aannu ku wadahadalnay Madaxweynaha, Axsaabta iyo Shir-guddoonka Golaha Guurtidu isaga yimaaddaan oo iska arkaan, taasina ma suurtogelin.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Waxaanu Cabdiraxmaan-Cirro intaas ku sii ladhay oo yidhi; “Waxaannu u tegnay Guddoomiyaha Guurtida Shalay (dorraad) si fiicanna wuu noo soo dhaweeyey, saddexda Guddoomiye ayaannu ahayn, waxaannu ka codsanay in wixii aannu isla garanno uu fulinayo iyo inkale, isagoo xaq u lehna waxa uu yidhi; ‘Talada waxa leh Gole, waxaanan geynayaa Golahaas.”
“Ummaddu meel bay taagnayd kawda June bay taagnayd, noomanay muuqan Kalsooni looga guuro halkii hore oo meel aan la garanayn loogu guuraa, sidaas daraaddeed ayey noogu muuqatay maaddaama oo Kalsoonidii Guurtida aannaan haynin, tii Shirguddoonka, Madaxweynaha iyo Axsaabtuna aanay dhicin oo fadhigaasi uu baaqday in Shacbigu meeshii uu ku midaysnaa ee Caalamku ku midaysanaa uu Mawqifka Xisbigu noqdo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Guddiga ka soo talo-bixinta wakhtiga muddo-kordhinta Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Somaliland ay Guurtidu u xuleen oo markii hore qorshohoodu ahaa inay Sabtida maanta warbixinta kulammo ay toddobaadkii hore si gooni gooni ah ula yeesheen saddexda Xisbi iyo Komishanka iyo talo-soo-jeedintoodaba u soo gudbiyaan Gole-weynaha Guurtida, balse qorshahan dambe ee Xisbiyadu isla gaadheen, gadaalna ku kala qaybsameen ayaa taa dib dhigtay, waxaana la filayaa inay Axadda maanta Golaha u gudbin doonaan waxa ay hayaan Guddigu, iyaga oo laga cabsi qabo inay Guurtidu kordhiyaan muddo laba sannadood ah in ay sii fadhiyaan Madaxtooyada iyo Wakiilladu, taasoo laba Xisbi oggol yihiin sannad iyo badh in la kordhiyo, halka Xisbiga WADDANI taagan yahay halka sano ee ay Komishanku shaaciyeen inay doorashooyinka ku qaban karaan, waxaana la dhawrayaa waxa uu noqdo go’aanka Golaha Guurtidu.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment