Sunday, May 3, 2015

Dawladda Jabuuti oo ka jawaabtay eedo loo jeediyey Shaqaaleheeda Hagidda Diyaaradaha oo Maraykanku walaac ka muujiyey

Jabuuti/Washington, 03 May, 2015-(Himilo)- Warbixin uu Daabacay Wargeyska Washington Post, ayaa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee ku sugan saldhigga Millateriga dalka Jabuuti ay halis weyni soo waajahday, taasoo uu ku sheegay Wargeysku inay sabab u tahay feejignaan la’aanta Shaqaalaha haga diyaaradaha ee garoonka diyaaradaha Jabuuti.
Diyaaradaha dagaalka maraykanka ee ku sugan JabuutiJariiradda Washington Post oo soo xiganaysa Warbixinno ay qoreen Millateriga iyo Khobarada dhinaca Duulista Hawada ah ee Maraykanka, ayaa baahisay in shaqaalaha hagista diyaaradaha ee Saldhigga Millateriga Maraykanka ee Camp Lemonnier ee Jabuuti in ay iska dhego-tireen hagista diyaaradaha; iyagoo ku mashquulsan Ciyaaraha lagu madaddaaloodo ee fiidiyoowyada, Telefoonnada, Hurdo iyo Qayilaad.
Sidoo kale, Warbixintu waxay xustay in Shaqaalaha hagista diyaaraduhu ay iska dhego-tireen dedaal ay sameeyeen La-taliyayaashooda oo ahaa inay shaqadooda wanaajiyaan. Wuxuu Wargeysku intaas ku daray in xaaladdan ay abuurtay qaylo-dhaan ay sameeyaan duuliyayaasha marka ay hawada galaan iyo xattaa inta aanay duulin.
Warbixintan uu faafiyey Wargeyska Washington Post, waxa ay intaas ku dartay, in mid ka mid ah Shilalkan la sheegay in sannadkii 2013-kii diyaarad sidday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ay ku sigatay in ay ku dhacdo diyaarad ay leedahay Shirkadda Kenyan Airways.
Sarkaal u hadlay Safaaradda dawlada Jabuuti ku leedahay magaalada Washington ee dalka Maraykanka, ayaa ku gacan-saydhay Warbixintan, isagoo sheegay in garoonka diyaaradaha Jabuuti yahay mid nabadgelyo ah oo aan dhibaato ka jirin, isla markaana haddii Shaqaalaha haga diyaaradaha ay hurdaan ama ay qaad cunaan uu maalin walba shil ka dhici lahaa Madaarka.
Qunsulka Maraykanka u jooga Jabuuti Ciise Daahir Buraale, ayaa arrintan la xidhiidhiyay in Xoghayaha Maraykanku tegayo Jabuuti sida qorshaysan shanta bishan aynu ku jirno ee May, taasoo uu xusay inay tahay ama ay ula muuqato in socdaalkaas uu dacaayado lagu abuurayo, waxaanu yidhi; “Arrintan Maraykan oo dhami ma qabaan, Saldhigga Maraykanku wuxuu yimid Jabuuti 11 September 2000, markii dhibaatada weyni ku dhacday, waxaana inay Jabuuti soo degaan u ogolaaday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.”
“Markaa, hadda waxay uga jeedaan baan filayaa Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka ayaa 5-da May tegaya Jabuuti, markaa arrintaas bay borobagaando u sii samaynayaan oo durbaan u garaacayaan baan u malaynayaa. Laakiin, wax Maraykan oo dhami ka siman yihiin maaha.” Sidaa ayuu yidhi Qunsulka dawladda Jabuuti u fadhiya Safaaraddooda waddanka Maraykanka oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA.
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

No comments:

Post a Comment