Magacan cusub ee ay dawladda Federaalka Soomaaliya ku amartay inay Saxaafaddu ugu yeedheen Kooxda Al-Shabaab, ayaa ah ‘UGUS’, kaasoo ay dawladdu sheegtay inuu u taagan yahay; ‘Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed’ oo marka la soo gaabiyo noqnaya UGUS.

Taliyaha Hay'adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare, ayaa shalay sheegay in magaca Al-Shabaab oo ah dhalinyaro aan la wasakheyn iyadoo lala xidhiidhinayo Koox Jihaad-doon ah. Waxaanu intaas ku daray, in kooxdu ay istaahisho magaca cusub, waxaanu taas ku sababeeyey in ay dhibaato dabar-goyn ah ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.
Al-Shabaab oo taa ka jawaabeysa, ayaa u adeegsatay dawladda Federaalka Soomaaliya, isla magacaas oo ay ku sheegtay 'Ururka Gumeeya Ummadda Soomaaliyeed’ sida ay ku faafiyeen Warbaahinta Afka kooxdaas ku hadasha ee Baraha Internet-ka wax ku faafiya.
Waa markii ugu horreysay ee ay Kooxda Al-Shabaab iyo dawladda Federaalka Soomaaliya sidan oo kale isugu yeedhaan magacyo dhinacba dhinaca kale u sameeyey oo ay ku amraan Warbaahinta in la adeegsado ama loogu yeedho magacyadan marka laga hadlayo dhinaca kale, gaar ahaan dawladda Soomaaliya ay sidan oo kale amar ugu bixiso in Saxaafadda dalku magacan cusub u adeegsato Al-Shabaab.
Tallaabadan, ayaa halis badan oo ammaan oo hor-leh ku keeni karta Weriyeyaasha iyo xarumaha Warbaahinta ka hawlgala gudaha dalka Soomaaliya oo marka hore-ba bar-tilmaameed u ahaa Kooxda Al-Shabaab iyo dawladda Soomaaliya lafteeda oo mararka qaar lagu eedeeyey dilalka Weriyeyaal ka hawlgalayey dalka, halka ay Al-Shabaab mar walba bartilmaameed u yihiin Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya gudaha waddanka Soomaaliya, isagoo dhinacna aanu raalli ka noqonaynin Magacyada cusub ee ay isu bixiyeen in Warbaahintu adeegsato, halka dhinac waliba jelcaysanayo in magaca uu bixiyey loogu yeedho ka kale.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment