Monday, May 4, 2015

Dhallinyaro Ka Cadhootay Goobo Lagu Samaynayey Sawirro Nebi Muxamed N.N.K.H. Lagu Aflegaadaynayey Oo Toogasho Lagu Laayey

Austin:May,04,2015(Himilo)-Laba Nin oo Weerar ku qaaday Goob Kooxo u tababaran samaynta Sawirrada ka dhanka ah Nebi Muxamed, ayaa Toogasho lagu dilay, waxana dhaawacmay mid kamid ah Raggii Ilaaladaha ka ahaa Goobtaas oo ku taalla Gobolka Texas ee Dalka Maraykanka.

grecSaraakiisha Booliska ayaa sheegay in labada dabley ay doonayeen in weerar geystaan xilliga lasoo gaba-gabeynayay tartanka farshaxanka.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay baadhayaan gaadhiga ay wateen dableyda hubeysan oo loo maleynayo in ay ku jiraan walxa qarxa.

Dadkii ka qaybgalay bandhiga ayaa si deg deg ah goobta looga saarey, waxana loola cararay meelo aammaan ah.

Bandhiga Farshaxanka ka dhanka Nabigeena ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey ururka American Freedom Defense Initiative (AFDI) kuwaas oo si aad ah uga soo horjeeda Islaamka. Waxayna wadeen mudooyinkii u dambeeyay olole ka dhan ah in aan la ag-dhisan daaradaha dhaa-dheer ee ganacsi (World Trade Center) ee magaalada New York xarun Islaami ah.

Dadkii halkaas fadhiyey, ayaa loo sheegay in qof kasta oo keena sawir-gacmeed lagu aflegaadaynayo suubaneena Muxamed N.N.K.H la siin doono lacag dhan Toban kun oo dollar, waxana loo arkaa Dagaal ka dhan ah islaamka.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment