London, 09 May, 2015-(Himilo)- Raysal-waraaraha waddanka Ingiriiska David Cameron, ayaa booqasho ay ku wehelinaysay Xaaskiisa Samantha ku tegay qasriga Boqoradda Ingiriiska Buckingham Palace ee magaalada London, isla markaana Shir Jaraa’id oo Xafiiskiisa uu ku qabtay ku sheegay in Xisbigiisa Conservative-ku gaadhay guushii ugu macaanayd abid doorashooyinka, ka dib markii ay ka heleen, kuna guulasyteen aqlabiyad 326 Kursi tirada Baarlamaanka dalkaas, markii Guddiga doorashooyinku ay natiijada lagu kala guulaystay shaaciyeen ka dib.
Raysal-wasaare Cameron ayaa ballan-qaaday inuu guusha Xisbigiisu ka gaadhay doorashadii Khamiistii dorraad dhacay kaga dhabayn doono inuu nolol wacan gaadho qof kastoo doonaya inuu shaqaysto, wax wanaagsanna qabto oo ku nool waddanka Britian.
[gallery ids="19064,19063,19062"]
Musharrixii Xisbiga Conservative-ka Ingiriiska Mr. Cameron, ayaa sheegay inuu aqlabiyadda Baarlamaanka ee Xisbigiisa u adeegsan doono inuu hirgeliyo dhammaan ballan-qaadyadii xilligii ololaha doorashada ay shacabka u sheegeen, sidoo kalna uu siin doono awoodo dheeraad ah dalka Scothland, ka dib markii Xisbiga SNP ee Nicola Sturgeon ku guulayteen guud ahaan 56 kursi, Baarlamaankooda oo gaadhayey 59.
Doorashadii Khamiistii ka dhacday guud ahaan Great Britain, ayaa keentay in Guddoomiyeyaasha saddex Xisbi oo ka tirsani iska casilaan xilalkoodii, ka dib guul-darro Xisbiyadoodu kala kulmeen doorashadaas. Kuwaasoo sheegay inay qaadayaan masuuliyadda guul-darro kasta oo soo gaadhay Xisbiyada ay hoggaaminayeen ee ay Musharrixiinta jagada Raysal-wasaare ee dalka Britian ugu taagnaayeen.
Guddoomiyaha Xisbiga Shaqaalaha Ed Miliband oo Xisbiga labaad ee dalka ahaa, ayaa saacado ka dib iska casilay xilkii Xisbiga, markii natiijadu soo baxday, isla markaana sheegay inuu qaadayo masuuliyadda guul-darradii Xisbiga Shaqaalaha haleeshay, waxaanu yidhi; “Waan ka xumahay maan guulaysan, wax badan ayaan sameeyey shantii sannadood.”
Mr. Nick Clegg, oo ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Liberal Democrats, ayaa sheegay inuu isna is-casilay, ka dib markii uu guud ahaan lumiyey kuraasidii uu ku lahaan jiray Baarlamaanka Ingiriiska, taasoo loo aaneeyey midow uu la sameeyey Xisbiga guulaystay doorashadii hore, waxaanu yidhi; “Waxuu joogaa saacad madoow Xisbigeennu, laakiin ma aqbalayno, mana yeeli doono in qiimihii Xisbiga habeen lagu aaso.”
Farage oo Guddoomiye u ahaa Xisbiga UKip,ayaa ku guul-darraystay inuu ku soo baxo tartankii doorashada uu ka sharraxnaa, ayaa isaguna iska casilay Guddoomiyenimadii Xisbigaas, inkastoo uu sheegay in laga yaabo inuu ku soo laabto horraanta Xagaaga soo socda.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment