Saturday, May 30, 2015

Guddoomiyaha Kulmiye oo ka hadlay Tira-koob lagu sameeyey Shacabka Somaliland oo Xogtiisa lagu soo badhigay Muqdisho

Hargeysa, 30 May, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ku tilmaamay maamul Xasarad-u-joog ah oo Arrimaha siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland uga faa’idaysanaya sidii uu mandaqadda Geeska Afrika uga abuuri lahaa Colaad hor leh oo waxyeello u geysata ammaanka gobolka.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu gar-darro iyo faro-gelin ku tilmaamay Xog ku saabsan tiro-koob hay’adda UNFPA oo kaashanaysa Wasaaradda Qorsheynta Somaliland ka samaysay gobollada dalka, taas oo todobaadkii hore lagu soo bandhigay xaflad ballaadhan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho taas oo ay goob-joog ka ahaayeen Saraakiil ka tirsan hay’adda UNFPA oo xogta tira-koobka shacabka Somaliland u gudbiyey Soomaaliya.

Guddoomiyaha Kulmiye oo dhinacyo kala duwan ka hadlaya siiyey Hadhwanaagnews, ayaa mar wax laga weydiiyey siduu u arko arrintan, waxa uu ku jawaabay, “Waa gardarro, waa faro-gelin, waa waxyaabaha sii xumaynaya dalalka Jaarka ah wada-jirkooda. Dowladda Xamar ka talisa waxaad mooddaa inay doonayso fad-qalalo oo mar walba wax dhibaato iyo colaad huriya ay ku hadlayso,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.

Muuse Biixi oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Way ogyihiin in Somaliland iyo Soomaaliya kala taagan yihiin halkii 26-June 1960-kii kala taagnaayeen, dadku inay sidaas isu qaddariyaan baa wanaagsan, laakiin siday wax u wadaan waa si ah waligeen qaylo iyo dagaal ha ina dhex-taagnaadaan, taasna waxaanu leenahay haka waantoobaan.”

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire, ayaa cambaareeyey xogta tira-koobka Shacabka Somaliland ee hay’adda UNFPA u gacan-galisay Soomaaliya, waxaanu sheegay in tallaabadani saamayn ku yeelanayso wada-shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo hay’adda UNFPA oo wasiirku sheegay inay ku war-geliyeen in xogta tirakoobku tahay mid u gaar ah Somaliland, kaddib markii ay dhammaatay xog-ururinta tira-koobka oo gobollada dalka laga sameeyey sannadkii 2013-kii.

Himlomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment