Manrovia, 10 May, 2015-(Himilo)- Dadweynaha iyo dawladda dalka Liberia, ayaa u dabbaal-degay in guul laga gaadhay xakamaynta iyo sida la sheegay cidhib-tirka Cudurka halista ahaa ee Ebola, kaasoo faro baas ku hayay waddankaas tan iyo badhtamihii sannadkii hore, kumannaan qof galaaftay oo ay u dhinteen.
[gallery ids="19123,19122"]
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa shaacisay Sabtidii shalay in Cudurka dilaaga ah ee Ebola laga cidhib-tiray dalka Liberia oo ka mid ah waddamada ku yaalla Galbeedka Afrika ee uu cudurkani dhibaatada weyn u geystay dadka ku dhaqan. Markii muddo 42-cisho ah oo laba-jibbaar ka badan inta uu cudurku soo ridan karo qofka uu ku dhaco aan cudurka lagu arkin dalkaas.
Dabaal-dag ku saabsan ka guuleysashada Ebola oo lagu qabtay Caasimadda waddanka Liberia ee Manrovia oo ay ka hadshay Madaxweynaha dalkaas Ellen Johnson Sirleaf, ayey ka sheegtay in cudurka uu ahaa midkii ugu xumaa oo muddo sannado ah dhibaato weyn u geystay dalalka Galbeedka Afrika, waxaanay tidhi; “Runtii dadkii cudurkan ka badbaaday waa kuwo aan dhibaatadiisa hilmaami doonin, sidoo kalena shacabkeennu ma illoobi doonaan murugadii xumayd ee laga dhaxlay cudurkan muddo qarniyo ah.”
Sidoo kale, Madaxweyne Ellen Johnson, ayaa shalay booqatay qaar ka mid ah xarumihii cudurkan lagula tacaalayay ee ku yaalla magaalada Monrovia, iyadoo u hambalyeysay shaqaalihii gargaarka caafimaadka ee cudurkan la dagaallamay, iyadoo la xusuusto in 200 oo Dhakhaatiir iyo kal-kaaliyeyaal caafimaad isugu jiray ay cudurkan u dhinteen.
“Dhallinyaro badan oo reer Liberia ah ayuu cudurkani sahayday (galaaftay, kuwaasoo ku riyoonayay bilo ka hor inay dhammeystaan waxbarashada, isla markaana ay dadkooda iyo dalkooda u adeegaan, iyadoo Shacabka Liberia aanay weligood hilmaami doonin dhallinyaradaas.” Sidaa ayay tidhi Madaxweynaha Liberia.
Madaxweyne Ellen Johnson Sirleaf, ayaa eedeyn u jeedisay dalalkii sheegay in la tacaalidda cudurkan ay tahay mid liita, xilli dagaal adag lagula jiray, waxaanay ammaantay waddamadii gacanta ka geystay in Ebola laga cidhib-tiro dalka Liberia, oo xustay in hadda uu dagaalkii cudurku dhammaaday, isla markaana ay dib u billaabayaan dhismaha noloshooda.
Waxay Madaxweynuhu Sabtidii shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday in cudurkaasi ka dhammaaday dalkeeda, murugadii maalinlaha ahaydna ka ledi doonaan shalay ka dib, waxaanay tidhi; “Maanta (shalay) waxaan ku dhawaaqayaa in Cudurka Ebola dalka Liberia laga Cidhib-tiray. Waana naga dhamaadeen xusuusihii murugada lahaa ee aan cudurkan halista ah kala kulmi jirnay maalin walba intii uu waddankeenna ka jiray.”
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa sheegtay in Liberia oo keliya uu cudurka Ebola ku dilay 47,00 oo qof, isagoo dalalka Galbeedka Afrika ee kala ah Sierra Leone iyo Guinea uu cudurkani ku dilay 11,000 oo qof. Waxaanay wararku sheegayaan in toddobaadkan dalalka Sierra Leone iyo Guinea laga helay kiisas cusub oo cudurkan ah, iyadoo WHO ay sheegtay in sidoo kale labadan waddan dhawaan looga dabbaal-degi doono in cudurku uu ka dhammaaday sida Liberia shalay looga dabaal-dagay oo kale.
War-saxaafadeed laga soo saaray Aqalka Cad ee Mareykanka, ayaa loogu hambalyeeyay dalka Liberia, iyagoo ka digay in cudurka Ebola uu dib u soo laabto. “Waa inaan Taxaddar dheeraad ah muujinnaa illaa cudurka Ebola laga cirib-tirayo dalalka Gobolka ku yaalla oo dhan.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka Aqalka Cad ee Maraykanka ka soo baxay. Waxaanu Maraykanku ka ahaa waddamadii ugu taageerada badnaa dhinaca la-dagaallanka Cudurkaas oo uu Madaxweyne Obama ku bixiyey Malaayiin Doollar oo loogu soo gurmaday dadka dalalka Galbeedka Afrika, gaar ahaan Liberia oo uu ahaa meeshii uu ugu halis badnaa Cudurkaasi.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment