Hargeysa, 20 May, 2015 (Himilo)- Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa naqdiyey Khudbad uu Madaxweynaha Somaliland Xuskii 18-ka May oo sannadkan 2015-ka ku beegnayd 24-guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii gooni-isu-taagga oo Isniintii la qabtay uu ka jeediyey, isla markaana waxa kale oo ay ka hadleen gogosha nabadeed ee Madaxtooyadu u fidisay Mucaaradka si loogaga wadahadlo khilaafka ka dhashay muddo-kordhinta Guurtidu u samaysay Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo ay labadan Xisbi qaaddeceen.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya qodobbada uu dhalliilsan yahay eek u jiray Khudbadda Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu yidhi; “Khudbaddaa anigu laba arrimood baan ku arkay oo aan odhan lahaa labadaba looma baahnayn, midi waxa weeye; Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, isagoo ogaa innagoo Jabhad ah Ciidankii Maxamed Siyaad Barre ee Afrika ugu quwadda waynaa marka Nigeria laga reebo inaynu burburinnay oo ka adkaannay, inuu ka cabaado hadda Ciidammo beeleed la isu keenayo oo yidhaahdo; ‘Ciidammaa la samaynayaa’ oo uu innaga tuso jilayc, taas looma baahnayn.”
“Hadday wax kasta sameeyaan Soomaaliya mar kasta innagaa ka adag, waxaynu uga adkaanaynaa markasta innagu Xaq-u-dirir baynu nahay, xumaan ma wadno, xaasidnimo maaha, dadkeenna wanaaggiisa ayaynu ka shaqaynaynaa, laakiin iyagu waxay leeyihiin yaanay noolaan Somaliland. Markaa, Cudud-na innagama adkaan karaan, si kalena innoogama adkaan karaan, markaa taas waan ka xumahay inuu Shacbiga Babbiso u rido sidii wax Soomaaliya aan jirini inna qabsanayso.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID.
Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu ka hadlay aragtida uu Golaha Guurtida ka haysto Madaxweyne Siilaanyo iyo aragtida ay ka midaysan yihiin labadoodu ee ay ka haysteen 2009-kii iyo ballan ay iskaga ogaayeen hadba kooda xilka qabtaa inuu tallaabo uga qaado Guurtida, maaddaama oo ay hore ugu gacansaydheen UCID iyo KULMIYE ahaan 2009-kii oo ay muddo-kordhintii markii saddexaad u samaynayeen Madaxweynihii markaas xilka hayey Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Faysal oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Waxaan xasuusanahay aniga iyo Axmed Maxamed Siilaanyo 2009-kii markii aannu diidnay inay Guurtidu soo faro-geliso doorashooyinka ee aannu lixda qodob qaadannay ee la yidhi; ‘Guurtidu shaqo kuma leh’ markaa miyaanay Dastuuri ahayn? Maalintaas 2009-kii bay u dhammaatay Guurtidu inay mar dambe ka taliso muran doorasho, Komishanka ayaa xaq loo siiyey, adduunkaa innagu dhex-dhexaadiyey. Markaa, inuu shalayna lahaa Guurtidu maaha dastuuri ee yaan la-geynin (muddo-kordhinta), maanta markay isaga u sameeyeenna uu yidhaahdo Guurtidu waa Dastuuri, taas waxaan u arkaa hadal nin weyn maaha.”
“Waa aqal u taagan inay kolba Madaxweynaha jooga ay u adeegaan. Maantana haddaannu taa ku heshiin weyno oo halkaa (wadahadalka) xal ka soo bixi waayo, oo Komishankii aannu maalintii wada oggolaannay ee saddexda Xisbi wada oggolaadeen ee Guurtidu oggolaatay 2009-kii, waxay soo saareen la oggolaan waayo, ballan waxaan ku qaadayaa iska daa iyagee inay ku dhawaato in dhismaha Guurtida dhagax-dhagax loo qaado.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Faysal Cali Waraabe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Maaddaama oo aanay danta Bulshadaba ka turjumaynin ee ay Mushaharka uun iska qaadanayaan oo ay dhaxal-tooyo ka dhigteen iyadoo aanay sharciga meelna kaga oollin in la iska dhaxdo, waxaan ka baqayaa in sidii Masaajidkii Yuhuuddu dumisay meesha lagu dumiyo ee intaan la idinku dumin faraha kala baxa waxaad ku jirtaan. Axmed-Siilaanyo nimanka aannu labadayadu ku tashanno haddaad soo baxdo baabbi’I anigu haddaan soo baxo waan baabbi’inayaaye ee ay ballantaasi noo taallay inuu maanta la saaxiibo waa nasiib-darro.” Waxaanu sheegay Faysal in Guurtidu shaqadoodii nabadaynta gabeen, isla markaana ay Ciidanka Qaranku hayaan oo buuxiyeen doorkii dhex-dhexaadinta Guurtida ee shaqaaqada ka taagnayd Taleex.
Mar uu Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ka hadlayey gogosha Xukuumaddu ku baaqday inay fidisay ee lagaga wadahadlayo khilaafka ka dhashay muddo-kordhinta Madaxtooyada iyo Wakiillada oo ay Mucaaradku qaaddeceen, waxa uu yidhi; “Madaxweynaha gogoshii baannu ka sugaynaa haddii ILLAAHAY yidhaahdo, hadday wax xumaaddaan Shacbigoow ogaada dawladdaa xumaysay. Dawladdu ha kala oggolaato sharciga iyo dadkaa bilaa sharciga ah ee doonaya inay korodhsadaan uun oo Cashuurta ummadda cunaan…”

“Waxaan leeyahay laba is-qaban maayaan; guulahaa boqolkiiba boqol ah in Xukuumaddu sheegato oo weliba Madaxweynuhu sheegto, haddana isagoo Madaxweynuhu na leh; ‘daqiiqadna ii kordhiya maan odhan, doorashada dib u dhacdayna waan ka xumahay.’ In agabkii, maaliyaddii, hantidii, gaadkiidkii, idaacadihii iyo Talefeshinnadii dawladdu adeegsan karaysay oo dhan loo adeegsado in muddo-kordhintaas la sameeyo, labadaasi isma qabanayaan.” Sidaa ayuu yidhi Boobe.
Waxaanu intaas ku sii ladhay; “Haddii ay Xukuumadda uu Madaxda ka yahay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), shantii sano ee ay joogtay horumar ku tallaabsatay, oo ay dadka u hayso ballan-qaad kaas la mid ah oo ay shanta soo socdana fulinayso, anigu ma arko baahi ku kallifta in ay tidhaahdo ama ay ku tallaabsato laba sannadood oo doorashada dib loo dhigo oo aannu aamminsannahay labadaas sannadood ka dib inaanay doorashana galayn ee xoogaggaa qarsoon ee hantida ummadda ku takrifalayaa ay doonayaan wakhti dheeraad ah oo ay gacan-togaaleeyaan badhaadhaha iyo barwaaqada ummadda Somaliland.”
“Madaxweynuhu gogosha uu fidiyey waannu soo dhawaynaynaa, horena waannu u sheegnay, Madaxweynuhuna waakii nooga mahad-naqay, annagana inkastoo Saylici yidhi; ‘gogoshaas baannu fidinnay oo bisha 20-keeda oo Berri (maanta) ah), illaa immika warkaa warbaahinta ka baxay mooyaane xidhiidh rasmi ah oo kale oo nalala soo sameeyey illaa saacaddaa aynu wadahadlayno (Shalay) ma jirto.” Sidaa ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
B Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment