Tuesday, May 19, 2015

Somaliland oo Dacwad ka gudbisay, dalkana ka saaraysa qaar ka tirsan Hay’adaha Caalamiga ah oo ay faro-gelin Siyaasadeed ku eedaysay

“Hay’aduhu uma madax-bannaana Siyaasadda Somaliland inay dhex-galaan… Waxaa-se dhacday oo aannu caddaymeheedii haynaa Hay’adihii caalamiga ahaa qaarkood oo dhex fadhiyaan Xisbiyada Mucaaradka ah…” La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland u qaabbilsan Hay’adaha caalamiga ah Cabdifataax Siciid Axmed

Hargeysa, 19 May, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay Hay’adaha dalkeeda ku sugan qaar ka mid ah ka saarayso waddanka, ka dib markii ay ku eedaysay inay dhex-galeen Siyaasadda gudaha ee Somaliland, hayaanna caddaymo muujinaya Hay’adaha qaarkood oo dhex fadhiya Xisbiyada Mucaaradka ah, taasina ay ka fog-tahay codsigii oggolaanshaha lagu siiyey ee ay dalka ku yimaaddeen.
La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland u qaabbilsan dhinaca Hay’adaha caalamiga ah Cabdifataax Siciid Axmed, ayaa sheegay in boqol iyo toddoba Hay’adood oo caalami ahi ku sugan yihiin gudaha dalka Somaliland oo aanay ku jirin Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Midawga Yurub, kuwaasoo ay saddex ka mid ahi isu beddeleen Hay’ado siyaasadeed, isla markaana uu ku eedeeyey inay ka gudbeen codsiyadii ay dalka ku yimaaddeen oo aanay siyaasadi ku jirin markii hore.
“Hay’ado badan baa waddanka jooga, waxa jooga boqol iyo toddoba Hay’adood oo aanay ku jirin kuwa UN-ka (Qaramada Midoobay) iyo kuwa Midawga Yurub, markaa waxaad mooddaa beryahan dambe Hay’adihi inay arrimihii Somaliland ee siyaasadda soo dhex-galeen, runtiina aanay ahayn wax wanaagsan. Immika saddex Hay’adood baannu Xukuumad ahaan diiradda ku haynaa oo aad u daba soconnaa, Xukuumaddu go’aan bay ku qaadatay inay go’aan degdeg ah laga qaato.” Sidaa ayuu yidhi La-taliye Cabdifataax Siciid Axmed oo isagoo ku sugan dalka Kuwait u warramay shalay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadd VOA.
La-taliyaha oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku daray; “Maaddaama oo aan fawdo iyo qas loogu talo-gelin, markii horena ay dalka ku yimaaddeen inay na caawinayaan oo ay dadkeenna caawimo siinayaan, laakiin ay isu beddeleen Hay’ado Siyaasadeed oo aan loogu talo-gelin. Markaa, Xukuumaddu arrintaa go’aan adag bay ka qaadatay, waxaanan jecelnahay inaan qoraallo u qorno Hay’adaha caalamiga ah iyo meelihii ay ka yimaaddeen oo aan la socodsiinno.”
La-taliye Cabdifataax Siciid Axmed oo la weydiiyey miyaanay Hay’aduhu madax-bannaanayn oo aanay Shaqooyin lahayn marka ay sidan u hadlayaan Somaliland ahaan, waxa uu ku jawaabay; “Hay’adu way madax-bannaan yihiin, taasna cid diiddani ma jirto. Laakiin, Hay’aduhu uma madax-bannaana Siyaasadda Somaliland inay dhex-galaan ama ay ku dhex-milmaan. Waxaa-se dhacday oo aannu caddaymeheedii haynaa Xukuumad ahaan Hay’adihii caalamiga ahaa qaarkood oo dhex fadhiya Xisbiyada Mucaaradka ah Shirarkooda, runtii looguma talo-gelin taas, waad la socotaa siyaasad buu waddan kastaa leeyahay caalamka, siyaasadda shuruucda iyo dastuurka waddanka u yaallaa awood uma siinayo inay siyaasadda faro-geliyaan.”
“Markaa, immika waxaad mooddaa qaar badani inay ka tallaabsadeen Shuruucdaas, marka hore codsiga ay soo qorteen oo ahaa inay dalka caawinayaan, oo caawimooyinka ay soo qaadayaanna dunida kaga soo qaadayaan magaca Somaliland. markaa, waxaan loogu talo-geiln oo Siyaasad ah bay dhex-galeen.” Sidaa ayuu yidhi La-taliyaha dhinaca Hay’adaha caalamiga ah u qaabbilsan Madaxweynaha Somaliland Mr. Cabdifataax Siciid Axmed.
Sidoo kale, waxa la weydiiyey La-taliyaha inta ay Saxaafadda ka hadlayaan waxa ay u hor-fadhiisan waayeen Hay’adahaas Xukuumad ahaan iyagoo sida Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka, Arrimaha dibedda iyo isaga oo La-taliye ahiba, dabadeeddna ugala hadli waayeen wixii ay dalka ku yimaadddeen ee oggolaanshaha lagu siiyey iyo qaladka ay ka tirsanayaan ee ah faro-gelinta siyaasadda, waxa uu ku jawaabay; “Arrinkani waa arrin cusub, Wasiirka arrimaha dibedduna Safar buu ugu maqnaa Talyaaniga, Norway iyo Yurub dalal ah, Anigu waxaan ka tirsanahay Madaxtooyada, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Madaxtooyadu waa isku siyaasad, waxanina wax u gooni ah Wasaarad ama Wasiir gooniya maaha ee marba ciddii joogta ayaa eegaysa dhalliilaha markaa la soo gudbiyo.”
Mar Cabdifataax Siciid la weydiiyey Magacyada Hay’adahaas uu eedaynta u jeediyey kuwa ay yihiin, waxa uu ku jawaabay; “Ma doonayo inaan ka hor-dego, way soo bixi doonaan, maaddaama oo aannu qoraallo u qornay ciddii soo diratay Hay’adahaas ama dalalkii ay ka yimaaddeen, Jawaab baannu ka sugaynaa waanay soo bixi doonaan haddii Allaah yidhaahdo.” Waxaanu intaas ku daray Cabddifataax in ujeeddada uu dalka Kuwait u joogaa la xidhiidho dhinaca caawimooyin ay Somaliland siiyaan Hay’adaha Kuwait iyo kordhinta Mashaariic ay horeba qaarkood dalka uga wadeen.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment