Hargeysa, 06 May, 2016-(Himilo)- Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sheegay inkasta oo waxa ay isla gaadheen Xisbiyada iyo Guddiga doorashooyinka Qaranku halkooda yihiin, hase-ahaatee, go’aanka kama dambaysta ah ee kordhinta muddada xil-haynta Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada uu leeyahay Golaha Guurtida. Waxaanu Guurtida ugu baaqay inaanay shilimmo dhaafsan danta Bulshada.

“Golaha Guurtidu si kastaba immika ha ahaadee waa Gole dhaqameed. Waa Golahaa maanta dalku ku dhisan yahay, ee dawladdu ku dhisan tahay ee nabadgelyadu ku dhisan tahay, ee nin weliba xorriyaddiisa ugu taxtaxaashayo ee saqda dhexe ay dadku u socdaan, ee hantidoodu bannaanka iyadoo wadhan ninna aan looga baqahaynin.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo shalay Saxaafadda qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa.
Suldaan Maxamed oo ka hadlaya go’aanka Saddexda Xisbi iyo Guddiga doorashooyinku isla qaateen ee ah in 1-da June 2016-ka la qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada iyo muddo-kordhinta labadaas Gole loo samaynayo ee hadda hor-taalla Guurtida, waxa uu yidhi; “Saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanku wixii ay isla qaateen waa halkeeda, laakiin go’aanka kama dambaysta ah Golaha Guurtida ayaa iska leh.”
Waxaanu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo sii watay hadalkiisa intaas ku ladhay oo yidhi; “Mana jeclaysanayno in cidina u hanjabto Golahaas, ixtiraam buu naga mudan yahay Goluhu. Dadka dacaayadaha adag ka fidinaya, waxaan leeyahay waar ka jooga oo dadnimadu ha idin deeqdo, xumaantu ciddii ay deeqdo innaga Somaliland innagama mid maaha.”
Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, waxa uu talo u soo jeediyey Mudanayaasha Golaha Guurtida, waxaanu yidhi; “Golaha Guurtidana hal baan odhanayaa; waxba Shilimmo yaanay idinla waynaannin ee danta ummaddiinna iyo danta maatidiinna eega sidii la idinku aamminay ee aad noogu dhaarateen. Waar dhaartii xaggeed ka maraysaan ummadda u dhaarateen?”
“Dhaartani ma midaan wax qaban baa? Marka horeba qofku hadduu been ku dhaarato maba qabato ayaa la yidhi, hadday dhaartu idin soo qaban waydo been baad noogu dhaaranayseen, Qarankana waxba u qaban maysaan. Laakiin, in la idiin hanjabo ma oggolin.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment