Saturday, May 16, 2015

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ireland oo ka hadashay tabobbar ay u fidiyeen Somaliland

Belfast, 16 May, 2015-(Himilo)- Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ireland, ayaa sheegtay in Wefti ka socda Hay’adaha Ammaanka Somaliland booqasho ku yimaaddeen, isla markaana tabobbar ku qaadan doonaan.
Weftigan oo ka kooban xubno kala duwan oo ka kooban toddoba xubnood, kana mid yihiin Taliyaha Ciidanka Socdaalka G/S Maxamed Cali Yuusuf (Ina-cambaro), Taliyaha Laanta baadhitaanka dembiyada iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaanay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ireland tafaasiil ma bixin waxa uu ku saabsan yahay iyo muddada uu socon doono.
CEuPTybVIAEfxUHQoraal shalay lagu baahiyey barta Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ireland, ayaa lagu sheegay in Weftigan ka socda Somaliland soo booqdeen xarunta Wasaaradda ee Iveagh House, ka hor intaanay tegin Jaamacadda Garda College oo lagu tabobbaro Ciidammada.
Booqashada Weftigan ka socda Somaliland oo hore aan Warbaahinta gudaha ula hadlin markii ay dalka ka dhoofayeen, ayaa dhinaca kale la sheegayaa inuu qabanqaabadeeda lahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, xilli uu booqasho ku tegay dalka Ingiriiska, isla markaana la filayo inay wax weyn ka tari doonto sare u qaadka aqoonta iyo khibradda Hay’adaha Ammaanka ee la xidhiidha waajibaadka ay bulshada u hayaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment