
Dhinaca kalena,waxa uu uga mahadnaqay Iskuuladda gaarka loo leeyahay oo ku majiirtay inay soo saaraan Arday aqoon-ahaan iyo tayo-ahaanba ka dhisan.
Waxa kale oo uu usoo jeediyay Maamulayaasha Iskuuladda dawliga ah iyo kuwa Madaxa banaanba in Imtixaanaadka iskuuladda ee aan ahayn kuwa shahaadiga in la dhamaystiro ka hor 25 bisha May,ee sanadka 2015-ka,waxaana uu intaas raaciyay in Imtixaanaadka Shahaadiga Dalka oo dhan laga qaban doono todobaadka ugu horeeya ee Bisha Lixaad ee Sanadkan.
Waxa kale oo uu Wasiirku sheegay in Natiijadda Imtixaanaadka lagu dhawaaqi doono 1-da Bisha Sagaalaad ee Sanadka 2015-ka.
Waa Markii ugu horraysay ee wasiir waxbarasho Somaliland uu si rasmi ah u shaaciyo xilliga Rasmiga ah ee Natiijada Imtixaanaadka lagu dhawaaqi doono, iyadoo inta Badan masuuliyiinta Waxbarashadu aanay ku dhiirran jirin shaacinta Wakhtigaas.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment