
“Waxaan caddaynayaa inay Ey-du nagu hayso dhibaato ba’an oo faro kulul ay ku hayaan dadweynaha ku nool magaalada Burco, waxa dhacday maalin dhawayd in Gabadh la yidhaahdo Barwaaqo uu Ey Bawdada kala jaray, markaa dhibaatadoodu way badan tahay.” Sidaa waxa tidhi mid ka mid ah Hooyooyinka ku dhaqan magaalada Burco oo Radio Hirad uga warrantay dhacdo ay goob-joog u ahayd.
Sidoo kale, mid ka mid ah dadweynaha reer Burco, ayaa ka warramay dhibaatada Ey-du ku hayso bulshada ee uu la kulmay, waxaanu yidh; “Subax dhawayto annagoo kallahayna waxa na weeraray Ey, waxa naga mid ahaa Hooyooyin Uur leh iyo Carruur yar-yar oo Iskuul ku kallahaysa, waxay qaniineen saddex qof, kuwaasoo xataa la waayey Dawadii lagu mudi lahaa ee EY-DA. Aydu waxay nagu haysaa boqolkiiba boqol dhibaato weyn, magaalada way buux-dhaafiyeen xaafad kasta ayay isku dhaleen, wax naga qabta ayaannu la’nahay.”
Mid ka mid ah Dhakhaatiirta ka hawlgala Cusbitaalka guud ee magaalada Burco, ayaa Hirad u sheegay in toddobaadkiiba ugu yaraan hal qof oo Aydu cuntay la soo gaadhsiiyo, waxaanu yidhi; “Aad bay u fara badan yihiin dadka Ey-du soo qaniinta ee naloo keenaa, toddobaadkii laba qof baa yimaadda mararka qaarna hal qof toddobadakii, kuwaasoo u badan Ciyaal (Carruur), waayo Ciyaalku had iyo goor way shiidaan, Ey-duna way ku cadhoodaan. Qofka uu qaniino Ey-gu waxa ku iman kara taytano ama uu sumoobo. Dawada u gaarka ah baan u dirnaa, taasna inta badan lagamaba helo magaaladan aan ku nool nahay ee Burco.”
Xildhibaan Cabdikariin Muxumed Cabdillaahi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Burco oo u warramay Weriye Xafsa-cayni oo warbixintan u diyaarisay Radio Hirad, ayaa sheegay in dhibaatada Ey-du ku soo batay magaalada Burco, isla markaana ay Bulshada ku dhaqan magaaladaasi khatiyaan ka joogaan waxyeelladooda, una baahan yihiin in wax laga qabto intaanay dhibaatada Xawayaanka Ey-du heerka ay hadda marayso ka sii badan.
“Carruur badan bay cuneen, dad badan bay waxyeelleeyeen EY-DA magaalada ku soo badatay, in wax laga qabto ayaa meesha taalla. Dawo la’aan baa jirta, Aniga mid yar oo aan Adeer u ahay buu dhawaan Ay qaniinay, dawadii waa la waayey, markii la helay waxa la yidhi soddon doollar iska bixiya. Markaa, qofka aan bixin karayn lacagtaas ee aan awood waxay ku tahay mushaakil.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Cabdikariin Muxumed Cabdillaahi.
Maayerka magaalada Burco ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka degmadaas oo Wargeyska Himilo isku dayay xalay inuu dhibaatadan ay dadweynaha magaaladu sheegeen inay ku hayaan Ey-du wax ka weydiinno, hase-yeeshee, noomay suuragelin inaannu dhiniciisa wax war ah ka helno, ka dib markii aannu la kulannay Taleefankiisa gacanta oo demsan ama xidhan.
No comments:
Post a Comment