Sunday, May 3, 2015

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo Digniin u diray Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa, 03 May, 2015-(Himilo)- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa uga digay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan inuu sameeyo muddo-kordhin ka badan wakhtiga sannadka ah ee Guddiga doorashooyinku sheegeen inay ku qaban karaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada Somaliland.
uurcadeXoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo waraysi siiyey Shabakadda Hadhwanaagnews, waxa uu sheegay inay Xisbi ahaan shir adag ka yeesheen in aanay marna aqbalin muddo-kordhin dheeraad ah oo ka baxsan xilliga beesha caalamka iyo Xisbiyadu isla qaateen oo ah in doorashooyinku qabsoomaan 1 June 2016, wakhtigaas oo ay Guddiga doorashooyinku sheegeen inay ku qaban karaan doorashada.
“Waxaad ogtihiin oo ummadda reer Somaliland ogtahay in muddo aan sharci aheyn oo sharciga ka baxsan in ay aheyd in xil-gudasho la’aan lagu qaado Xukuumadda oo ay ku qaadaan labada Gole ee Baarlamaanka, gaar ahaan Golaha Guurtida ee Saleebaan Maxamuud Aadan u yahay Guddoomiyaha in ay gudan waayeen in ay 26-ka June ee sannadkan doorasho ka qabataan dalka, balse iyadoo taasi jirto ayaa haddana Shacabka Somaliland, Xisbiyada Qaranka, Komishanka la oggolaadey in sannadkaas farsamada ah ee sharci-darrada ah ee qasabka ah, markii aannu taa aqbalney ee aannu oggolaannay, ma aha in uu Saleebaan haddana laabta u tumo oo muddo intaa ka badan korodhsado cidna ka yeeli mayso.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee WADDANI.
Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Waxaan leeyahay Guddoomiye, adigaa da’ weyn dadka dalkan leh ee xilalka haya, Masuuliyad Qaran baa ku saaran, ummaddanina kaa yeeli mayso, kaana aqbali mayso dalka ayaan duminayaa si aannu sannad iyo badh aniga iyo Siilaanyo u korodhsanno, taasna ka joog ayaan ku leenahay. Haddii aad sannadkaas sharci-darrada ah nagu filnaan maayo ee waxaannu ku darsanaynaa muddo kale oo ka badan waxay u muuqanaysaa Beesha caalamka iyo Somaliland waan ka hor imid, waxaanan eeganayaa kursigeyga iyo Kursiga Siilaanyo, ummadduna kaa aqbali mayso.”
“Cid kasta oo ka hadashaa xaq bay u leeyihiin muddo sharci-darro ah oo loo sameeyo Xukuumaddan, waxaanay shacbigu arkayaan tacadiga, waxayna ka digayaan dhibta soo socota, waana tallaabo loo baahan yahay, maanta cid kastoo ka daba hadashaana waa shakhsiyaad aan karaamo ku laheyn ummadda oa aan maanta la dhageysaneyn.” ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde.
Dalalka caalamka ee Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyaddaynta, ayaa qoraallo kala duwan oo ay soo saareen toddobaadkan ku caddeeyey mawqifkooda ah in aanay doorashooyinku dhaafin muddada Komishanku cayimeen ee 1 June 2016, kuwaasoo ka digay dib-u-dhac kale oo lagu sameeyo doorashooyinka, taasoo ay tilmaameen inay xumayn karto xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo beesha caalamka iyo weliba kalsoonida caalamku ku qabo Somaliland.
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND

No comments:

Post a Comment