Sunday, May 3, 2015

Xog-haye Arimo-dibadeedka Maraykanka Oo Dalka Kenya Booqasho Ku Tegi Doona Iyo Ajandaha Socdaalkiisa

John KerryNairobi:May,03,2015(Himilo)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda Waddanka Maraykanka John Kerry, ayaa Maanta oo Axad ah la filayaa inuu Booqasho ku tago waddanka Kenay.

Booqashadiisa ayaa la filaaya in ay qaadato saddex maalmood, waxaana uu masuuliyinta sare ee dalka Kenya kala hadli doona labo qodob oo kala ah:

Iskaashiga dhinaca amaanka iyoSafarka Madaxweyne Obama uu ku imaanaya Kenya bisha July oo si weyn dalkaas looga dareemayo

Diblomaasi sare oo kamid ah wefdiga Wasiirka ayaa saxaafadda u sheegay in ay si aad ah uga wada hadli doonaan arrimaha la dagaalanka kooxaha argagixiisada iyadoo dalka Kenya ay ka dhaceen weeraro ay geysteen Ururka al-Shabaab.

Sidoo kale John Kerry ayaa kulan la qaadan doona Xisbiyada Mucaaradka ee Kenya, iyadoo Dowladda Uhuru Kenyatta lagu eedeeyay in ay tacadiyo ka dhan xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda geysteen.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa la filaaya in uu Kenya imaado bisha July iyadoo bishii lasoo dhaafay Mareykanka uu ka digay in loo safro Kenya sababo amaan awgeed.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment