Hargeysa, 17 May, 2015-(Himilo)- Munaasibad lagu weynaynayo habeenkii la dheelmiyey Nebigeenna Suubban ee Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee ee LAYLATUL ALL-ISRAA-WALLMICIRAAJ, ayaa shalay lagu qabtey Hudheel Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Munaasibadaha oo lagu xusay qiimaha uu Muslimiinta u leeyahay LAYLATUL ALL-ISRAA-WALLMICIRAAJ, ayaa labadii cisho iyo labadii habeen ee u dambeeyey lagu qabanayey magaalooyinka kala duwan ee dalka Somaliland, iyagoo dadweynaha iyo Culimadu isugu imanayeen goobo loo gaar-yeelay Xuska dheelminta Nebi Muxumed (C.S.W) iyo sidoo kale Masaajiddada, iyadoo la akhriyey Axaadiis, Qasiidooyin iyo Qur’aanka Eebbe ku ammaanay Nebigiisa Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee.
Qaban-qaabinta Munaasibadahan, ayaa waxaa Qayb weyn ku lahayd Hirgalinteeda Jimciyadda Waxbarashada Diinta iyo qaban-qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga ah iyo Horumarinta Bulshada ee JIMCIYATUL AXBAAB. Munaasibaddan ayaa waxaa ka qayb-galey Masuuliyiin kala duwan, Culimo Aw-Diin, Madax-dhaqmeed iyo Dadweyne kale oo tiro badan.
Munaasibaddan ayaa waxaa ugu horreyn Khudbad ka jeediyey Sheekh Ismaaciil Xasan Faarax oo ku dheeraaday qiimaha Habeenkii la dheelmiyey Nabigeenna Suubban ee Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariis ALLAAH korkiisa ha yeelee (C.S.W.) iyo Mucjisooyinkii iyo Aayaadkii Nebigu soo arkay Habeenkaas.
“Waxaynu tilmaamaynaa wakhtiga uu dhacay habeenkani iyo sababta uu ku yimid in Nebiga (C.S.W.) la dheel-miyaa, habeenka ILLAAHAY Nebiga casuumay waxay ahayd 27-ka bisha Rejab, waxaanay ahayd habeen Isniin ah, waxay sababtu ahayd oo uu Allaah u casuumay Nebiga (C.S.W), ummaddii Islaamka ahayd ee Maka ku sugnayd ee Nebigu (C.W.S), Madaxda u ahaa cidhiidhi bay ku jirtay wakhtigaa, waxaana sannadkaa Nebiga (NNKHT) la dheel-miyey loo bixiyay sannadkii murugada.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil Xasan Faarax
Waxaanu Sheekh Ismaaciil oo sharraxaaddaas sii wadaa intaas ku daray oo uu yidhi; “Murugadaasna waxa keenay saddex arrimood, Xaaskiisii Khadiija oo wixii uu Nebigu dhibaato dibedda kala soo kulmo ka caawin jirtay oo dhiirrigelin jirtay, ayaa dhimatay, Adeerkii Abu-daalib-na wuu dhintay, saddex ayaamood ayay kala dambeeyeen. Markaas, ayay Nebiga (CSW) ku sii badatay dhibkii Gaaladu, maaddaama oo ay labadii qof ee difaaci jiray dhinteen.”
“Dabadeedna Nebigu (C.S.W) wuxuu tegay Daa’if oo ay yaalleen Niman Carbeed oo xoog lahaa, halkaas oo uu Diinta gaadhsii islahaana, waa laga soo dhagxiyey (dhagax-tuuray) oo wax-yeellaa Nebiga loo geystay. Dabadeedna Maka ayuu ku soo noqday. Markaas, ayaa Nebiga (C.S.W.) casuumadda loo fidiyey si murugadaa looga dhaqdhaqo, Nebiguna (CSW) 50 jir buu ahaa markaas la dheel-miyey.” ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil Xasan Faarax.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna sheegay in dad Neceb Diinta suubban ee Islaamka iyo Sunnada Negibeenna Muxamed (C.S.W) ay u soo tafaxayteen sidii ay dadka u kala lumin lahaayeen waxaana uu culimada u soo jeediyay in Ay isku mideyeen Sidii Ay u difaaci lahayeen Diinta ilaahay ee u baahan sida uu cadeeyay in laga ilaaliyo cadaw-yada badan ee hadheeyay sidii Ay fidmo uga dhex abuuri lahayeen culimada iyagu u taagan sidii Ay u xanbaari lahayeen Diinta Ilaahay.
“Qofka walaalayaal denbi bidco ah ku sheegay Nebigeennii Muxumed (NNKH) oo la xusayo loona baahan yahay In markasta la wayneeyo denbi ku sheegay isaga ayaa og halka uu ku socdo, aan idiin warramee Muslimkii meel uu galo ayuu waayay, haddaanay dadkuna lahayn dawladda lagaga baqo cid waliba way u soo qoslaysaa, Walaallayaal markii Muslimka Adduunkii lagaga adkaaday ayaa loogu tegay Aakhiro oo kolba wax laga sheegayaa, waxaana la leeyahay soddonka sano ee soo socda Adduunku waxa uu noqonayaa Islaam, toddobadii qof ee meel wada yimaadda lix qof ayaa Muslim noqonaysa, haddana Gaaladii leedahay dadkii (qisaasta) ha dilina waxa isqabanaya maaha.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe.
Waxa uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo sii watay hadalkiisa intaas ku sii ladhay isagoo dawladda la hadlayey oo uu yidhi; “Walaallayaal haddii aynu fulin wayno waxa uu ilaahay ina faray waxa ka xun ayaa iman Doona, wakhtigaas Sheekhu sheegay ayaa lagu wada socdaa oo qof waliba adduun ayuu jeclaaday, waxaanay ku tartamayaan Daaraha waxaanay illaaween in la dhimanayo, dawladda waxaan fari lahaa in ay xoojiso Diinta haddaanay xoojinna dhibteeda yeelan karto.”
Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo Munaasibaddaa Xuska dheelminta Nebi Muxamed (C.S.W) ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay maalintani u leedahay Masulimiinta ku dhaqan daafaha caalamka, waxaanu yidhi; “Dhammaanteen waxan halkan u fadhinaa iyadoo ay innaga run tahay in aan waynayno Rasulkenbii Subanaa (N.N.K.H) haddaba waxa weeye in aan marwalba ku celelinno hadal haynta Rasuulkennii Subbanaa(SCW), Rasuulkeennii waxaa u yimid Cali oo waxa uu ku yidhi; ‘Rasuul Alloow Xaaskayga, Carruurtayda iyo Waalidiintaydaba marka laga reebo naftayda waan kaa jeclahay’ markaasu Rasuulku (C.S.W) ku yidhi; ‘weli iimaankaagu taam maaha’ markii dambe ayuu ku yidhi; ‘Naftaydana waan kaa jeclahay’ Rasuulku (C.S.W) markaasu yidhi; ‘immikaa iimaankaagu taam yahay’ markaa waa inay maxabbada Rasuulku (S.C.W) halkaa innaga gaadhaa innagana.”
Culimo badan oo Munaasibadda ka hadashay, ayaa iyaguna ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay Maalintani iyo siday ugu qaaliga tahay Muslimiinta daafaha Dunida joogta, waxaana ay soo jeediyeen in markasta iyada oo lawaynaynayo Rasuulka lana jecel yahay la xuso Munaasibadaha dheelminta iyo dhalashada Nebi Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee.
Gaba-gabadii waxa Munaasibadan lagu soo bandhigay Gabayo iyo Qasiidooyin Ka turjumaya Maalinta qiimaha u leh Muslimiinta ee dheelminta Nebi Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariis Allaah Korkiisa ha yeelee iyo weliba Qasaa’id Nebi-ammaan ah oo muujinaya sharafta, karaamada iyo qiimaha weyn ee ALLAAH (S.X.W) uu ku mannaystay, isla markaana u gaar-yeelay Nebi Muxamed (C.S.W) iyo sida ay ummadda Muslimiintu u jecel yihiin Nebi Muxamed iyo weliba sida loogu baahan yahay in la weyneeyo Jacaylka Nebi Muxamed Nabadgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee.
Himilomedia
Hargeysa- Somaliland
No comments:
Post a Comment