Saturday, June 13, 2015

Al-Shabaab oo Guulo ka sheegatay dagaal culus oo Khamiistii illaa Jimcihii ka socday deegaanno ka tirsan Soomaaliya

Buur-hakaba, 13 June, 2015 (Himilo)- Dagaallo culus oo gelinkii dambe ee Khamiistii shalay ka bilaabmay Tuulada lagu magacaabo Jameeco oo illaa 20-KM u jirta magaalada Buur-hakaba ee gobolka Bay ee dalka Soomaaliya, isla markaana socday illaa gelinkii hore ee Jimcihii shalay, ayaa sababay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaasoo u dhexeeyey Ciidammada dawladda Itoobiya ka jooga Soomaaliya ee ka tirsan kuwa Midawga Afrika ee AMISOM iyo Xoog Malleeshiyada Al-Shabaab ka tirsan.
ALSHABAABUrurka Al-shabaab, ayaa sheegay inay dileen 30 ka tirsan Ciidammada Itoobiya oo qeyb ka ah kuwa AMISOM, kuwaasoo marayay Tuulada Jameeco oo qiyaastii 20-KM dhinaca Bari ka xigta magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay.
Iska-horimaadka oo bilawday galinkii dambe ee Khamiistii soona gaadhay illaa Barqannimadii Jimcaha oo uu socday, ayaa la isu adeegsaday hub cuslus, iyadoo dadka deegaanku sheegeen in ay maqlayeen rasaasta noocyadeeda kala duwan.
Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, ayaa sheegay in ay weerarkaas ku dileen tobannaan ka tirsan Ciidammada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dawladda Itoobiya ee gudaha Soomaaliya ku sugan, kuna gubeen tiro Gawaadhida dagaalka ah, welina ay isku horfadhiyaan halkii uu dagaalku ka bilowday.
Illaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidammada AMISOM oo ku saabsan dagaalkaas.
Hase-yeeshee, Dagaallada ayaa dhacay ka dib markii Malleeshiyada Ururka Al-Shabab ay weerar kedis ah ku qaadeen kolonyo Ciidammada Itoobiya ah oo sahay galbinayay. Weerarkan ayaa la sheegay in Malleehsyada Al-Shabaab ay ku gubeen ugu yaraan laba Gaadhi oo mid yahay Booyad oo ay lahaayeen Ciidammada Itoobiya. Waxaa kale oo wararku sheegayaan in halkaasi khasaare nafeed ka dhacay.
Ciidamada Itoobiya ee la weeraray, ayaa la sheegay inay habeen-hore ku hoydeen degaankaas, isla markaana ay gurmad dirsadeen. Hase-yeeshee, gurmadka dambe oo ka yimid dhinaca Baydhaba, ayaa lagu soo warramayaa in mar kale ay weerar ku qaadeen Al-Shabab saacadihii hore ee subaxnimadii Jimcaha ee shalay.
Weerarkan ayaa la sheegay in Ciidammada Itoobiya ay saddex Baabuur oo kuwa dagaalka ah uga qabsadeen Al-Shabaab, sida ay sheegayaan warar xog-ogaal ah, khasaare nafeedna uu dhacay.
Dagaalka, ayaa lagu soo warramayaa inuu haatan u eg-yahay mid qaboobay. Maleeshiyada Al-Shabab ee weerarka qaadday, ayaa la sheegay inay qaarkood dib ugu gurteen degmada Goobaale ee gobolka Hiiraan, halka kuwo kalena ay aadeen dhinaca Dugulle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment