Hargeisa (Himilo)-Mudanayaasha labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada ayaa fadhi wada jir ah oo ay yeesheen ku ansixiyey Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamada Sare Ee Somaliland mudane Aadan X Cali Axmed oo dhawaan Madaxweyne Silaanyo xilkaasi u magacaabay.
Fadhigan oo uu Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa ka soo qaybgalay 122 mudane, waxaana ugu horreyn mudanayaasha loo akhriyey taariikhda waxbarasho, shaqo iyo digreetadii uu madaxweynuhu xilkan ugu magacaabay guddoomiyaha maxkamada sare.
Intaasi ka dib ayaa mudanayaashu cod gacan taag ah oo ay u qaadeen waxa ku ogolaaday 110 xildhibaan, waxa ka aamusay 11 xildhibaan, cid diidayna may jirin, guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay guddoomiyaha cusub ee maxkamada sare Aadan Xaaji Cali Axmed.
Fadhigaasi ka dib ayaa guddoomiyaha cusub ee maxkamada sare ee Somalilan Aadan X Cali Axmed warbaahinta uga waramay dareenkiisa waxaanu yidhi:- “Waxaan illaahay ka rajaynayaa inuu ii fuddudeeyo, dedaal badana aan sameeyo dadkana aan la tashado, caddaaladana waynu ognahay dhawr iyo labaatankaas sannadood waxay ahayd lafdhabarta qaranka duruuf adagna way ku shaqeeyaan wax badana way qabteen, waana meesha kaliya ee dadku u gar tagaan ee kala haysa ee kala hagta.”
Guddoomiyaha cusub ee maxkamada sare ee waxa kaloo uu sheegay inuu talooyin badan qaadanayo isla markaana ku dedaali doono caddaalada waxaanu yidhi “Markaa waxaan rajaynayaa anigu inaan halkaas wax kaga sii daro waxna ku kordhiyo, waxtarna aan ula tago, waxaanan u mahadinayaa madaxweynaha Somaliland oo ii magacaabay mansabka iyo labada gole oo iyaguna kalsoonidoodii I siiyey inaan bulshada u shaqeeyo waxaanan rajaynayaa inaan dadka u shaqeeyo oo inta awoodayda ah aan caddaalada iyo wax qabadka ku dedaalo.”
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment