
Sawirrada laga soo qaaday dhacdadan, ayaa waxay muujinayaan Askarta oo si aad u Arxan-daran u Garaacaya Dhallinyaradan oo Shafka ama Laabta dhulka loo dhigay, korka ama dhabarkana laga garaacayo, waxaanay inta garaacista ay Askaru u ku wadeen dhalinyaradaasi si weyn ayay u qaylinayeen xanuunka garaacista arxan-darrada iyo axmaqnimada ah awgii.
Askari ka tirsan Booliiska dalka Kenya oo Sawirrada soo qaaday kuna faafiyay Baraha ay Bulshadu ku xidhiidho, ayaa sheegay in Ciidammada Kenya ay ka hortageen dhallinyaro rabay inay xog la wadaagaan sida uu sheegay Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta gudaha waddanka Soomaaliya iyo qaybo ka tirsan Kenya.
Taliska Ciidanka Booliiska Kenya, ayaa War uu soo saaray ku sheegay inuu Baadhis ku sameyn doono arrintan, iyadoo Ciidammada Kenya-na lagu eedeeyay inay si ka baxsan Bani’aadamnimada ay ula dhaqmaan Shacabka ku nool gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya oo ku dhow Xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya oo ka soo jeeda gobolka Waqooyi-Bari, ayaa falkan ku waxay ku tilmaameen tacaddi ay Ciidammada Kenya kula kacayaan Shacabka gobolkoodaas ku nool. Xildhibaannada Barlamaanka Kenya ee laga soo doorto gobolka Waqooyi-Bari Kenya ayaa sheegay inay Maxkamadda sare u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Ciidammada amniga Kenya oo lagu eedeeyay inay duleedka Gaarisa ku jidh-dileen dhalinyaro Soomaalida Kenya ka tirsan.
Gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, ayaa noqday gobol dhibaatooyin badan ka taagan yihiin, kuwaasoo ay ka mid yihiin weerarrada ay Al-Shabaab ka geysanayso iyo tacaddiyo ay weerarrada Shacabka gobolkaasi kala kulmaan Ciidamada Amniga Kenya.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment