Thursday, June 4, 2015

“Guddoomiyaha Maxkamada Sare Haddii Uu Ka Madaxbanaanaado Xukuumadda, Garsoorku Wuu Hagaagayaa”

Hargeysa (Himilomedia) Xoghayaha Siyaasada ee Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani Maxamuud Raage ayaa ka hadlay Aragtidiisa ku Aadan Guddoomiyaha Maxkamada sare isaga oo u soo jeediyay inuu ka feejignaado amarada Xukuumadda farto.

 

“Kordhinta Xukuumada lookordhiyay meesha may qaban,anagu waxaanu u arkayna in Doorashada Laqaban karayay,anaga oo qaranka u tudhayna waxaanu Saddexda xisbi laqaadanay in Doorashada la qabto Bisha December,Lakiin Arinkan Guurtida ee Wakhtiga badan ay Xukuumadda u kordhisay Meesha may oolin,waxaan laleeyahay Nimankan Guurtida joogta waxa ka nool ragii lagu bilaabay 11 qof inta kale waa niman dhalinyaro ah,Guurti waxa aynu uga baranay in ay khilaafka ku hagoogtaan,Guurtida waxaanu uga baranay in ay khilaafka xaliyaan,lakiin Tiimid ka duwan ayaa joogta oo ragii somaliland aas-aasay way wada dhinteen markaas caruurta joogta waxa ay u baahan yihiin in marka lasoo xulo Guurti.Sidoo kale waxa uu ka hadlay in Xisbiga Dhexdiisa lagula Tartami karo Guddoomiyaha Wadani Sharciga Xisbiguna Dhigayo,Cabdiraxmaan Cirna waxa uu ku sheegay hogaamiye u qabsooma dadka dalkana lexe jeclo kaleh.” ayuu yidhi Maxamuud Raage

 

 

Xoghayaha siyaasada Xisbiga WADDANI oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Rag Badan oo damac leh xisbiga wadani waa ku jiraan,arintuna guddoomiye ku xigeen kaliya maaha,hogaaminta xisbiga rag badan ayaa damac kaleh,arintaasina waxa ay imanaysaa marka uu xisbigu qabsado Shirkiisa Golaha Dhexe markaas cidii ladooran lahaa wakhtigaas wali lama gaadhin waana ay dhici kartaa in iyaga loo Cusboonaysiiyo,waad ogtihiin shirkii dhalinyarada iyo kii haweenkuba waa Noodhaceen,Cabdiramaan Ciro maaha Hogaamiye Kaligii Talis Ah mana diidayno in lala tartamo waanan soo dhawaynaynaa in haday jirto cid han siyaasi leh,lakiin arintaas waa arin Xisbiga Golahiisa dhexe u taala.Waxa uu canbareeyay Qaxoontigii u dhashay dalka somaliya ee Xukuumada somaliland diiday saacado badan in ay markabka ka soo dagaan taas oo uu ku tilmaamay in Somaliland ka tagtay jaar wanaagii, waxaan aad uga Xumay Ragii Gaadhay Go’aanka in dib loogu celiyo Qaxoontiga Dhibaataysan ee Ka soo cararay Dagaalka ka Socda Dalka Yaman,ilaahayna waxa uu yidhi isku naxariista aniguna sidaan idiinku naxariisto,somaliya waa dal aynu jaarnahay xaqna maaha in dadkaas laceliyo dhibaatadu ku soo dhacday waxaanan ka filayaa inaanay Xukuumadu Khaladkaasi mardanbe ka dhicin,waxaanan aad uga xumay in dad soomaaliyeed loodiido In ay Berbera ku soo dagaan.

 

 

Maxamuud Raage waxa uu intaas ku daray  “Gudddoomiyaha Maxkamada Sare hadii loo Madax Bananeeyo Garsoorka uu Maamulo isagu oo isaga oo gudida cadaalada lakaashan Doono uu magacaabo Garsoorayaal,cadaaladii iyo Garsoorkii wali ma madax banaana waxaana maamulaysa madaxtooyada,hadii uu guddoomiyaha maxkamada sare ka madax bananaado Madaxtooyada garsoorka dalku wuu hagaagi doonaa,Garsoorka Somaliland Mamadax Banaana ayaan odhan karnaa maxaa yeelay Garsooraha dacwad loodhiibaa sida madaxtooyada looga soo yeedhiyo ayuu u dhigayaa.” Ayuu yidhi Maxamuud Raage

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment