
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro iyo Masuuliyiin ka tirsan Xisbigaas, ayaa si kedis ah booqosho ugu tagay Suuqa Gobonnimo iyo qeybo ka mid ah Suuqa Waaheen, waxaana ay ugu horreyn ku horreeyeen Meheradda ka furan Kheyriyada ama Diyaarada hoosteeda ee badhtamaha magaalada Hargeysa, halkaasoo uu kula shaaheeyeen qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan Caasimadda oo Meheraddaas ku sugnaa.
Shacabka kala duwan ee ka Qaxwaynayey Makhaayadda Shaaha ee Dulcad, ayaa iyagoo dhoolla-caddaynaya si diirran u soo dhaweeyey Guddoomiye Cirro iyo Masuuliyiinta la socday oo ay la dhacsanaayeen sida aanay filaynin ee ay goobtan Shaaha laga cabbo ugu soo booqdeen, isla markaana ugala shaaheeyeen ama Shaaha ugala cabbeen. Waxaana Cirro iyo dadkii Meheraddaa ku sugnaa dhex-martay Sheeko uu xaaladdaha nololeed ee kala duwan qaarkood kaga waraystay.
Intaas ka dib, ayaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu u sii gudbay Meherado kale oo Suuqa Waaheen ku yaal, waxaana uu Bulshada ugu baaqay inay isku duubnadaan oo ay Qarannimadooda meel uga soo wada jeestaan. Sidoo kalena ay ka qeybqaataan adkaynta iyo illaalinta nabadgelyada.
Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa markii uu Suuqa Waaheen ka tagay u sii gudbay Suuqa Gobonnimo, gaar ahaan waxa uu si lama filaan ah u tegay Xarunta Ganacsiga ee Xisbiga, oo ah Xarunta ugu weyn ee Ganacsiga, ee ay ku Ganacsadaan dadka Xoogsatada ahi, waxaana uu halkaas kala kulmay soo dhaweeyn diirran, isaga oo ugu baaqay inay halkaas ka sii wadaan Ganacsigooda, halka ay dadkuna sheegeen inuu yahay Masuul aad u wanaagsan oo Bulshada ku xidhan, isla markaana Masuuliyiinta la mid ahi aanay ula sheekaysan sidan Cirro oo kale.
Waa markii ugu horreysay ee tan iyo muddadii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahaa Md. Cabdiraxmaan-Cirro sidan oo kale u dhex-galo Bulshada oo uu socod iyo fadhiba kula sheekaysto dadweynaha ku dhaqan Caasimadda Hargeysa ee Shacabka iyo Ganacsatada isugu jira la qaato.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment