Sunday, June 7, 2015

Guddoomiye Muuse Biixi Ma Isticmaalaa Bartaa Facebook?

Hargeysa, 07 June, 2015 (Himilo)- Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa been-abuur ku tilmaamay Ciwaan barta Facebook oo loo isticmaalay magaca Guddoomiyaha Xisbigaas, kaas oo sida la sheegay lagu baahiyey af-lagaaddada shakhsiyaad iyo dad aan magacooda la shaacin.
War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Xisbiga, ayaa lagu sheegay inuu yahay been-abuur ciwaanka loo adeegsaday magaca Guddoomiye Muuse Biixi ee loo adeegsaday barta xidhiidhka bulshada ee Facebook.
War-saxaafadeedka ayaa u qornaa Sidan:- “Waxa jirta in si been-abuur ah magaca Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi loogu isticmaalay barta bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook.
Haddaba, xisbiga KULMIYE wuxuu u caddaynayaa bulshada iyo cid kastoo wax lagaga sheegay qoraallada lagu baahiyey akoonkaasi Facebook-ga ee sida been-abuurka ah loogu isticmaalay magaca Muuse Biixi Cabdi in aannu lahayn Guddoomiyaha xisbigu.
Gabogabadii, waxaannu u sheegaynaa kuwa been-abuurka magacyada caaddaystay aanay waxba sidan ku yeeli karayn karaamada iyo sharafta madaxda Qaranka ee ay lafahooda uga waantoobaan,” sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Kulmiye.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment