Sunday, June 14, 2015

Harraad ugu dhintay Gobolka Selal iyo Taliyaha Qaybta Booliska oo ka hadlay

Hargeysa, 14 June, 2015 (Himilo)- Ciidamada Ammaanka iyo maamulka gobolka Selal, ayaa todobaadkan Meydadkooda ka helay deegaanno ka tirsan degmada Saylac meydadka laba muwaadin oo la sheegay inay lug u kala safrayeen dhulka oomanaha ee u dhexeeya Xuduudka labada waddan ee Somaliland iyo Jabuuti.

Laba Marxuum oo aan magacyadooda iyo haybtooda toona la aqoonsan, ayaa 7-dii iyo 8-dii bishan Meydadkooda laga helay duleedka magaalada Lowyacaddo iyo deegaan ka tirsan dhulka Miyiga ah ee degmada Saylac, waxaana sababta geeridooda lagu sheegay inay u dhinteen Harraad iyo Hanfiga Xagaaga, iyadoo kii u dambeeyey la aasay Sabtidii doraad, kaddib markii baadhitaanno lagu sameeyey.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Selal Maxamed Cabdi Iimaan oo Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo khadka telefoonka kula xidhiidhay isaga oo ku sugan magaalada Saylac, ayaa faahfaahin ka bixiyey dhacdooyinkan u dambeeyey, waxaanu sheegay in dadka xilliyadan kuleylaha ah u dhinta xaaladdan oo kale ay u badan yihiin Dad maskaxda ka jirran oo u kala socdaalla deegaamada gobolka iyo dalka Jabuuti.

“Lowyacaddo agagaarkeeda waxa ku dhintay oo meydkiisa nin socdaal ah, waxaana la ogaaday markii dhowr cisho meydkiisu yaallay, xilliganna wuxuu kulayluhu marayaa 40 ilaa 45. Ninkaas Bisha 8-deedii baa la soo sheegay, ilaa hadda magaciisa lama hayo, cid garatay iyo cid soo sheegtay toona lama hayo, Laakiin waxaanu aasnay Shalay (Sabtidii) waayo meydkiisu wuu qudhmay. Markii aanu baadhnayna waxaanu ogaannay inuu doonayey xagga Jabuuti inuu u tallaabo oo wuxuu ka hadhay dad iyagu tagay (Jabuuti), isaguna wuxuu damcay inuu abooleeyo (qarsoodi ku galo Jabuuti),” Sidaas ayuu yidhi Taliyuhu isagoo intaas ku daray in dadka xaaladda oo kale u geeriyooda xilliyada Kuleylaha ay u badan yihiin dad maskaxda ka jirran oo harraad iyo Hanfiga Xagaagaa u geeriyooda.

Taliyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxa kale oo jira mid kale oo bishan 7-deedii aanu helnay, laakiin kaas meydkiisa cunay waraabe. Runtiina ma garanayno inay isku mid ahaayeen oo uu doonayey inuu Abooleeyo iyo in kale, laakiin waxaanu u malaynayna dadkaas maskaxda ka jirran ee iska socda,” Sidaas ayuu yidhi Taliyuhu.

Taliyaha oo aanu wax ka weydiinnay xaaladda ammaan ee gobolka iyo Tahriibayaal isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali xeebaha gobolka Selal ka tahriibi jiray, waxa uu sheegay in xaaladda ammaan ee gobolku fiican tahay, isla markaana aanay gobolka ku soo dhawaainin tahriibayaashu.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment