(Himilomedia) Maxkamad ku Taalla Dalka Koonfur Afrika ayaa Maanta Amartay in madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir aanu ka bixin dalkaasi inta ay go’aan ka gaadhayaan inay ku wareejiyaan maxkamada ICC iyo in kale. Al-bashiir ayaa dalka Koonfur Afrika u jooga ka qayb-galka shir Madaxeedka 25-aad ee Ururka Midowga Afrika, iyadoo maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ay ka dalbatay xukuumadda Koonfur Afirka inay xidho madaxweynaha Suudaan oo loo haysto dambiyo dhanka xuquuqda bani’aadamka ah. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Suudaan, Cali Axmed Karti oo ku sugan Magaalada Johannesburg ayaa u Sheegay Wariyeyaasha amarka maxkamadda kaddib in ICC ay tahay maxkamad beegsata Hoggaaamiyeyasha Afrika oo keliya. “Madaxweyne Al-bashiir waa madaxweyne, wuxuuna xubin ka yahay madaxda ka socda Afrika ee shirka uga qaybgalaya dalka Koonfur Afrika. Isagoo sii wadanaya ka qaybgalka shirka Midowga Afrika,” ayuu si ay cadho ku jirto u yidhi Karti. Cumar Al-bashiir ayaa tagay dalka Koonfur Afrika xalay, iyadoo maxkamadda ICC ay ka dalbatay xukuumadda dalkaas inay xidho si ay gacanta ugu soo geliso, balse lama oga go’aanka ay xukuumada Sudan ka qaadanayso tallaabadan cusub ee ay amarka ku bixisay maxkamadda dalkaas. Wariyeyaasha ku sugan Johannesburg ayaa sheegaya inkastoo Koonfur Afrika ay ka mid tahay dalalka saxeexay heshiiska maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC haddana u muuqan inay Al-bashiir ku wareejinayso Maxkamaddan. Ururrada Xuquuqda Aadanaha iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee dalka Koonfur Afrika ayaa iyaguna ku baaqay in la xidho madaxweynaha Suudaan Al-bashiir oo loo haysto eedeymo ku saabsan inuu xasuuq ka geystay Gobolka Daarfuur ee Sudan Sanadkii 2003-dii. Dhanka kale, madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa sheegay inaanay ka suuro-geli karin xukuumaddiisa inay mas’uul Afrikaan ah oo shir u yimid dalkiisa ku wareejiyaan maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC. Ugu dambeyn, Ururka Midowga Afrika ayaa hore u diiday Qaabka ay ku Shaqeynayso maxkamadda ICC, iyagoo ku eedeeyay inay si gaar ah u beegsanayso Hogaamiyeyaasha dalalka Qaaradda Afrika
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment