Friday, June 19, 2015

Milateriga Suuriya oo laayey Dad Qur’aan ku baranayey Magaalo ku taalla gudaha dalkaas

Ghariyah, 18 June, 2015 (Himilo)- Ugu yaraan 16 Ruux oo 13 ka tirsani ay Carruur yihiin, ayaa ku dhintay weerar ay diyaaradaha dagaalka ee dawladda Suuriya ku qaadeen magaalo ku taal gobolka Dercaa ee dalkaas Salaadadii, sida ay sheegayaan dadka Xuquuqda Aadamaha u ololeeyaa.
dad qurDadka dhintay waxay Qur’aan ku baranayeen magaalada Ghariyah, sida dadka deegaankaasi ay u sheegeen Ururro u dooda Xuquuqda Aadamaha ee Suuriya la socda oo fadhigoodu yahay Britain. Hase-yeeshee Ciidammada dawladda Suuriya kamay hadal weli wararka la xidhiidha weerarkaas khasaaraha dhaliyey ee ay diyaaradaha Millateriga ee Suuriya geysteen.
In ka badan 230,000, oo Suuriyaan ah ayaa ku dhintay dagaalka sokeeye ee sannadihii u dambeeyey ka socday waddanka Suuriya, kaasoo dabo socday muddaaharaadyo dawladda lagu diiddanyahay oo bilawday bishii saddexaad ee sannadkii 2011.
Jabhaddaha Suuriyaanka ah, ayaa toddobaadyadan guulo ka gaadhayay dagaallada ay Ciidammada dawladda kula galayaan gobolka Dercaa, halkaasoo ah meeshii ay afar sano ka hor ka bilawdeen degganaansho la’aanta lagaga soo horjeedo Madaxwaynaha Suuriya hoggaamiya Bashaar Al-Asad.
Magaalada Ghariyah waxa ay dhacdaa meel u dhaw Bariga gobolka Dercaa, meeshaas oo aan sidaa uga fogayn goobta uu ku yaallo Saldhig Millateri oo Jabhaduhu ay toddobaad ka hor ka qabsadeen Ciidammada dawladda Suuriya. Qolyaha Xuquuqda Aadamaha u doodaa waxay sheegayaan in la filayo in dhimashadu ay intaas ka sii badato, maaddaama dadkii weerarka ku dhaawacmay ay qabaan dhaawacyo halis ah.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment