Saturday, June 13, 2015

Musharrax Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlay Raalli-gelinta Madaxweynihii hore ee Somaliland ka bixiyey go’aankii uu ku burburay Xisbigii UDUB

“Madaxweynihii Md. Daahir Riyaale maanta wuxuu innoo muujiyey inuu yahay Hoggaamiye aragti dheer…” Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen

Dubai, 13 June, 2015 (Himilo)- Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay inuu aqbalay Raalli-gelin Maaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ka bixiyey markii ugu horreysay qorshihii uu Musharraxnimada Xisbigii burburay ee UDUB ugu loogay Wasiirka arrimaha gudaha ee wakhtigan Cali Maxamed Waran-cadde oo uu sheegay inaanu Hankiisa siyaasadeed gaadhsiisnayn heer Madaxweyne.
Jamaal Cali Xuseen, ayaa markii ugu horreysay ee uu Siyaasadda ku soo biiray, sheegay inuu iska sharraxayo Xisbigii wakhtigaa talada dalka lagaga guulaystay ee UDUB oo loollan adagi ku dhex-maray Garab Siyaasiyiin ah oo uu hoggaaminayey Cali Maxamed Waran-cadde oo xilligaas isaguna sheegay inuu Musharrax u yahay Jagada Madaxweynennimo ee UDUB, waxaan Jamaal Xisbigaas kaga baxay Lacag lagu dardargelinayey dhismaha Xisbiga, inkasta oo Lacag saddex boqol oo kun oo Doollar ahayd oo shuruud looga dhigay qofka Xisbiga iska sharraxayaya oo uu shubay intii badnayd u badbaadday
RAYAALE IYO JAMAALHase-yeeshee, Jamaal waxa uu muran iyo xafiiltan siyaasadeed oo muddo socday ka dib u digo-rogtay dhinaca Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo ku soo dhaweeyey inuu ka noqdo Musharrax Madaxweyne oo uu illaa hadda ugu taagan yahay Xisbigaas.
Hase-yeeshee, Daahir Rayaale Kaahin oo Khamiistii dorraad ku soo laabtay Caasimadda Hargeysa markii uu ka soo ambabaxay waddanka Faransiiska oo ay deggan yihiin isaga iyo Qoyskiisu, waxa uu Saxaafadda ugu sheegay Hargeysa inuu raalligelin ka bixinayo go’aankii uu ku burburay UDUB ee uu Musharraxnimadii Xisbigaas burburka ku keentay ugu loogay Cali Maxamed Waran-cadde oo uu ku tilmaamay nin aan Hankiisa Siyaasadeed gaadhsiisnayn heer Madaxweyne, balse ku kooban yahay heer Wasiir.
Haddaba, Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID u taagan Jamaal Cali Xuseen, ayaa isagoo ku sugan magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxa uu sheegay inay aqbaleen raalli-gelintaas Madaxweynihii hore ka bixiyey qaladkii siyaasadeed ee uu ku sameeyey Xisbigii uu muddada hoggaamiyaha ka ahaa ee UDUB markii uu xilka ka degay ka dib.
Waxa uu Jamaal sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu ku faafiyey Bartiisa uu ku leeyahay Shabakadda Barkulanka Bulshada ee Facebook, waxaanu qoraalkaas ku yidhi sidan:- “Waannu ka aqbalanay Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Raalli-gelintiisa. Hoggaamiyaha dhabta ah waxa lagu gartaa markuu garawshiiyo yeesho. Madaxweyne Riyaale wax badan buu dalkan ka soo qabtay, Milgo iyo sharaf buu mar walba dalkan ku leeyahay.
Dalkan qaladaad badan iyo dulmi badan oo ka dhacay cidna dusha looma saarin, taasina marwalba waxay keentaa in aynaan waxba ka baran, oo aynaan qaladaadkeenna ka faaiidaysannin. Illaahay marwalba haynaga yeelo kuwa xaqa fahma.
Madaxweynihii Md. Daahir Riyaale maanta wuxuu innoo muujiyey inuu yahay Hoggaamiye aragti dheer, Madaxda Afrikaanka way ku adag tahay inay qirtaan qaladkooda. Bal aynu sugno in siyaasiyiinta Somaliland inay ummadda hor istaaga an oo qaladkooda qirtaan. Riyaalle waan u qirayaa siduu dimuqraadiyadda u soo dhisay 5 doorasho oo aan dhiig ku daadan iyo daacadnimadiisa qaddiyadda Somaliland. Illaahay Madaxda haynoo hagaajiyo.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Musharrax Jamaal Cali Xuseen.

Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment