Thursday, June 11, 2015

Qurbe-joogga iyo Dhaayo-la’aanta Dalka-W/Q: Cali Cabdi Coomay

Dadka qurbaha muddo badan joogay amma iyagoo yar tegay waxa ay gebi ahaanba iloobaan waayihii iyo hab-nololeedkii dadkii ay hore uga soo haajireen. Taasina waxa ay ku keentaa inay is-fahmi waayaan bulshadii ay mudada badan ka maqnaayeen. Inta badan waxa ay is-barbardhigaan dalalkii ay ka yimaadeen iyo dalkoodii ay hore uga tageen, arrtin taasina waxa ay keentay jahawareer iyo is-fahanwaa.
Waayo-La’aanta Dalka Iyo Dadka
Dadyowga qurbaha ku raagay marka ay dalka yimaadaan waxa ay la kulmaan is-bedel balaadhan oo ku yimid dalkii iyo dadkii. Qaar ka mid ahi si fudud ayey ula jaan qaadaan, oo markaad u kuurgashid mar dambe ayaad fahmaysaa inay qurbaha ka yimaadeen, laakiin hore ugama garanaysid, halka kuwa kalena ay ka qaadaan jahawareer. Intood la qabsan weydaa, waxa ay mar kasta ku dhereriyaan dalkooda hooyo kii ay ka yimaadeen, oo waxa ka maqan nolosha dadkan iyo dalkan, tusaale kastana u soo qaata dalkii ay ka yimaadeen. Waxa intaasi u welisa afka ay ku hadlayaan oo u badan jacbur isugu jira midhadh af-soomaali ah iyo in badan oo af-faranji ah.
Tolow miyey u kasayaan mise waxa ay iloobeen af-soomaaligii? Labadaba way noqon kartaa. Haa, laakiin gartay kuwa ku dhashay la yaab ma leh, balse kuwan shalay tegay maxaa ku kallifay inay is-dhexdhigaan labada af? Waxa ay u haystaan ku hadalka af shisheeye inay dabaqad sare iyo il-baxnimo tahay, balse waxay dhaadan yihiin inay tahay liidasho iyo leeleel. Wakhtigii dawladdii M.I.Cigaal waxa jiray xeer laga soo saaray doorashada, kaasoo ahaa “ in qofkii isa-soo-sharaxaya ee qurbaha ka yimid dalka joogo laba sanno.” Xeerkan oo dadka qaarkii ku fasireen inuu ahaa dabar loogu talogalay in lagu xayiro musharaxiinta qurbaha ka timid, halka kuwa kalena ay u arkayeen inay ahayd arrin sax ah oo caawinaysa qurbo joogta, si ay u bartaan waayaha dadka iyo dalka. Tusaale aan ka fogayn kaasi ayaa ahaa, in nin qurbaha ku raagay uu dalka dib ugu soo noqday, ka dib markuu suuqa joogo ee uu doonaya inuu suuli galo wuxuu raadsan jiray inuu tago hudheelada waaweyn, isagoo doonayey inuu ku soo xaajo guto suuliyada fadhiga ah ee ku yaalla.
Saaxiibadii markay weydiiyaan sababtu uu kuwan suuqa u geli waayo, wuxuu odhan jiray isagoo is-dhexdhigaya jacbur af-soomaali ah iyo af-faranji ” maya waa bilaa nadaafad (dirty), lama geli karo, Virus ayaa ka buuxa.” Markii uu joogay muddo sannad iyo badh ah, ayaa la arkay isagoo geliya kuwii suuqa ku yaalay ee uu diidi jiray, waxa la weydiiyey sababta imika dhalisay inuu galo? Wuxuu ku jawaabay “ waar nimanyow markii M/weyne Cigaal lahaa ninkii isa-soo-sharaxayaa waa inuu dalka joogo laba sanno runtii bay ahayd. Waayo intii aan joogay waxa aan bartay waayo iyo aqoon iga maqnayd. Dee waanigaa suuligii suuqa ee aan ka khashaafi jiray geliya. Waxa aan noqday waaqici.”
Markaad eegto tusaalahan dambe waxa ku soo baxaya in joogitaanka dalku yahay waxbarasho iyo khibrad nololeed oo qofka toosinaysa. Shaki kuma jiro in qurbo joogto dalka soo geliyaan dhaqaale badan oo ay u soo diraan ehelkooda iyo weliba meherado badan oo ay dalka ka fureen, shaqo abuuris badana u noqotay bulsho badan. M/weynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa khudbad qiimo badan u jeediyey kooxo qurbo joog ah, mar uu booqasho ku marayey dalal ka tirsan qaarada Yurub, isagoo dib u dareensiinaya halkay ka yimaadeen ayuu yidhi” dalalkan aad joogtaan ee idin soo dhaweeyey ee dhalashada idin siiyey, micnaheedu maaha inaad iska daawataan laamiyadan iyo dhismayaashan quruxda badan, laakiin waa inaad kala timaadaan, maskax buuxda amma gacan buuxda.” Weedhaasi dambe ayaa ugu filan murti iyo tusaale.
Nuxurkeeduna waa lacag kala yimaada amma cilmi kala yimaada, in kastoo waxbarashad reer galbeedkka dadka qaarkii ay ka dayriyaan waxtarkeeda iyagoo tusaale u soo qaadanaya inay soo saaraan qof ay fikirkooda ku soo shubteen, oo ka aradan diinta islaamka iyio dhaqanka soomaalida. Sh. Mustafe X. Ismaaciil ayaa mid ka mid ah muxaadarooyinkiisa ku sheegay hadal noocan ah “ waxbarashada reer galbeedku waa aysiidh, oo qofkii lagu shubo way daloolisaa.”
Hadalka sheekhu waa run biyo kama dhibcaan ah, waayo qaar badan oo reer galbeedku wax soo bareen oo dalka imika ka shaqaysa amma siyaasada ku jira waxa ka muuqata diin la’aan iyo dhaqan xumo. Waxaad arkaysaa aqoonyahan cilmigiisa si weyn looga faa’iido oo waxtar badan u leh dhinaca maadiga, balse aan salaad, soon iyo sadaqo midna lagu ogayn. Mar kastana fan iyo fusuq dhex-dabaalanaya, taasina waxa lagu ugu wacan qofkan oo aan diinta islaamka iyo dhaqanka suuban lagu soo barbaraarin, oo reer galbeedku uga dhigaan wax sax ah in sidaasi la sameeyo. Taasi bedelkeedana waxa jira dad labadaba isku darsaday oo aqoonta maadiga iyo tan diinta bartay oo farta kuugu fiiqaya halkay reer galbeedku wax ka qalloociyaan.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment