Taliyaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya Jenaraal Cabdillaahi Gaafaw Maxamuud, ayaa sheegay in dhallinyaro tiradoodu dhan tahay shan xubnood oo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho diyaarad ka raacay Isniinta todobaadkan lagu qabtay madaarka Hargeysa dabadeedna la xidhay ka hor intii aan dib loogu celin diyaaraddii ay ka soo raaceen magaalada Muqdisho.
Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaasheen Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro) oo warbaahinta u warramay shalay, ayaa sheegay in dhalinyaradaas laga reebay 45 qof oo diyaarad ka soo raacay magaalada Muqdisho, kaddib markii baadhitaan lagu sameeyey lagu ogaaday inaanay haysan waraaqo sharci oo ay dalka ku soo galeen.Gaashaanle Sare Maxamed Cali oo ka hadlayey dhalinyaradan iyo sababta loo mastaafuriyey, waxa uu yidhi, “Waxay ahaayeen dad 45 qof ah oo ka soo degay madaarka Hargeysa. Kaddib markii aanu baadhnay, 40 ka mid ahi waxay siteen sharciga socdaalka, Shan ka mid ahina may haysan wax warqad ah oo lagu safro, sidaas darteed ayaanu uga celinnay madaarka Cigaal International Airport, kaddib markii aanu ka weynay wax waraaqo ah oo ay ugu kala safrayaan labada waddan ee Somaliland iyo Soomaaliya. Sidaas darteed, waxaanu u sheegaynaa laanta socdaalka Soomaaliya, inaanu kala nahay laba dal oo ka madax-bannaan oo isugu safra dokumenti sharci ah.”
Isaga oo hadalkiisa sii watay taliyuhu, waxa uu yidhi, “Sidoo kale, dadka ka yimaadda dalka Itoobiya iyo waddamada kale aanu jaarnka nahay wixii aan Visa sidan ama oggolaanshiyo, waanu celinaa, waxaanu dalka Soomaaliya noola mid yahay dalalka aanu jaarka nahay.”
Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf oo la weydiiyey eedaynta dhiggiisa Soomaaliya ku sheegay in xorriyadooda lagu xad-gudbay, waxa uu ku jawaabay, waxa uu sheegay inaanay Xidhin dhalinyaradaas oo habeennimadii u hoyatay madaarka Hargeysa, balse ay subaxnimadii xigtay dib ugu celiyeen diyaaraddii ka keentay magaalada Muqdisho oo habeennimadii u dhaxday madaarka diyaaradaha ee Hargeysa.
Taliye Cambaro oo warbaahintu waydiisey in tallaabada ay dib ugu celiyeen dhalinyarada reer Muqdisho ay daba-socoto muwaadin u dhashay Somaliland oo lagu magacaabo Cumar Jaamac oo badhtamaha bishii hore mar uu u safray Muqdisho tacaddi kala kulmay Laanta Socdaalka ee Soomaaliya oo uu u safray, waxa uu ku jawaabay, “Reer Somaliland mar walba waxay ku safraan si sharci ah. Cumar Jaamac waxa laga qaaday baasaboorkiisii sharciga ahaa ee Somaliland waana la xidhay, balse ma jirto wax aanu taas kaga jawaabnay ee annagu waxaanu dalkayaga ka celinnay dad bilaa astaan ah. Gaafow (taliyaha laanta socdaalka Soomaaliya) ma Caddaynayo inuu yihiin Soomaali ama Somalilander qofkan aanu celinay, waayo dokumentiba ma haysto,” ayuu yidhi Taliye Cambaro
Mar la weydiiyey taliyaha in baasaboorka Soomaaliya lagu soo geli karo Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Baasaboorka Soomaaliya waa lagu geli karaa oo wuxuu la mid yahay dalalka Ajaanibka ah,” ayuu yidhi taliye Cambaro.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment